Jubbaland & DFS oo siyaabo kala duwan uga hadlay xariga Wasiir Janan

Wararka Maanta

Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqay in ay Sabtidii shalay xabsiga dhigeen wasiirka Amniga Jubaland oo sida ay sheegeen ku eedaysan dembiyo culus balse aysan faahfaahin.

Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay shalay soo xireen eedaysane C/Rashiid Xassan Nuur (Janan) oo ku eedaysan dembiyo culus waxaana ay xustay in baaritaan ku socdo.

Dhanka kale Maamulka Jubbaland ayaa warsaxafadeed kasoo saaray xarigga wasiirkooda loogu geystay magaalada Muqdisho, waxayna Dowladda Dhexe uga digeen cawaaqib xumada ka dhalata arintaan.

Xiriirka Jubbaland iyo Dowladda Dhexe ayaa sii cakirmaya maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana dhawaan dowladda joojisay duulimaadyadii sida tooska ah u tagi jiray Kismaayo iyo Dhoobley.