Guddiga Gurmadka Qaraxii Gobolka Banaadir oo warbixin soo saaray

Wararka Maanta

Guddigii uu 24-kii bishanRa’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) u magacaabay maareynta qaraxii ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir iyo sidii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada ka dhashay qaraxa, ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Warbixin hordhac ah oo ku saabsan waxyaabiihii u qabsoomay labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Warbixinta Howlaha u qabsoomay Guddiga

b. Maareynta Dhaawaca

  1. Waxaa la xaqiijiyey ilaa hadda dhimashada toban (10) qof iyo dhaawac gaaraya illaa 9 ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
  2. Waxaa la helay liiska dhaawaca xaaladoodu aadka u liidato ee u baahan daryeel caafimaad oo dibedda ah, xamilina kara safar dibedda ah oo gaaraya 6 qof.
  3. Waxaa sidoo kale looga faa’iiday fursadda imaanshaha diyaaradda dhaawacyadii shacab kale oo caafimaadkooda dalka wax looga qaban waayey kuwaas oo wax ku noqday Kismaayo (3), Muqdisho (2)& Boosaaso (1). Sidaasi darteed isu-geyn waxaa la qaaday 12 qof oo dhaawac ah.
  4. Waxaa isla habeenkiiba loo sameeyey baasaboorro ay ku safraan dhaawaca la qaadayo iyo dadka la safraya ee aan lahayn baasabooro.

     t.Dhimashada:

  1. Tirada dhimashada la xaqiijiyay waa 10
  2. Waxaa la qorsheyeey sidii loo heli lahaa xiriirka ehelada dadka geeriyoodey, lala wadaagay, lagalana tashtay tacsida, qorshaha iyo goobta salaadda iyo duugta.
  3. Allaha u naxariistee waxaa lagu aasey 9 kamid ah dadka geeriyoodey goobihii loo qorsheeyey.

 Gabagabo

Inkasta oo qeybtii hore ee gurmadka degdegga ee Guddiga ay soo dhammaatay, haddana warbixinta uu gudbiyay madaxda sare ee dalka wuxuu ku taliyay:

  1. In hay’adaha ammaanka ay si degdeg ah u soo gudbiyaan natiijada baaritaankooda si loo ogaado sida ay wax u dhaceen.
  2. In lala xisaabtamo ciddii lagu helo inay qeyb ka ahayd shirqoolka ama ka gaabisay mas’uuliyaddii saarneyd.
  3. In kulan duco ah loo sameeyo mas’uuliyiintii ku shahiiday qaraxa.
  4. In meel lagu ogaado Xaasaska iyo Carruurtii ay ka tageen shuhadada.
  5. In guud ahaan la kordhiyo diyaar-garowga dal ahaaneed ee xaaladaha noocan oo kale ah, loona sameeyo qorshe dhammeystiran oo isugu jira ka-hor-tag iyo la-tacaalid intaba.

Guddiga ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dalka Qatar oo so degdeg ah gurmad ugu soo fidiyay dhaawacyadii qaraxan. Wuxuu sidoo kale Guddigu u mahadceliyay madaxda ugu sarreysa dalka sida Madaxweynaha, Ra’iisul-waasaaraha iyo Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka oo iyagu saacad saacad ula socday hawlaha Guddiga iyo sidii loogu fududeyn lahaa hawlahooda.

Eng. Cabdi Cashur Xasan Guddoomiyaha Guddigga.