Al-Shabaab ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa ay degmada jamaame ee gobolka Jubadda Hoose waxaa ay ku toogteen 4 nin ay ku eedeeyeen in ay Jaajuusiin u ahaayeen maamulka Jubbaland, dowladda Soomaaliya, iyo sidoo kale dowladda Mareykanka.
Ragga lagu toogtay Fagaaraha Degmada Jamaame, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray :
- Siyaad Cali Cabdi 26 jir
- C/laahi Cali Xasan 26 jir
- Axmed Ibraahim Hire 28 jir
- Yuusuf Makaraan Maxamed 58 jir.
Maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab ayaa raggaan ku eedeeysay in ay ahaayeen Basaasiin.
Al-Shabaab ayaa inta badan toogta ama Gowraca dadka ay ku eedeeyaan in ay la Shaqeeyaan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulada ka jira dalka .
Afhayeenka laamaha amniga Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen shacab , islamarkaana aysan la shaqeyn jirin dowladda iyo Jubbaland Midnaba.