Dhulgariir xoogan oo Mexico ku dilay 226 ruux

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay badhtamaha Mexico, waxaana ku dhintay in ka badan 226 qof tobannaan guri oo ku yaallay magaalada xarunta ah ee Mexico City ayaa iyaguna dumay.

Shaqaalaha gargaarka ayaa dad nool ka baadhaya burburka dhsimeyaashaas waxaanay wararki sheegayaan in carruuri ku hoos jiraan dugsi qayb ka mid ahi duntay.

Dhulgariirkan oo xooggiisa lagu qiyaasay 7.1 ayaa sidoo kale khasaare gaadhsiiyey gobollada Morelos iyo Puebla.

Dalkaas ayaa u nugul dhulgariirrada waxaana bishan horraanteedii ku dhuftay koonfurta wadanka mid kale oo xooggiisu ahaa 8.1 oo ugu yaraa 90 qof ku dhinteen.

Xudunta dhulgariirkan u dambeeyey waxay ahayd meel u dhaw magaalada Atencingo oo ku taal gobolka Puebla, waxaanay 120 km u jirtaa magaalo madaxda Mexico City, sida ay sheegtay xarunta Jiiyoolojiyada Maraykankuna waxa dhulgariirkaasi ka soo unkamay gunta hoose ee dhulka oo fogaanteeda lagu qiyaasay 51KM.

Af-hayeen u hadlay wakaaladda difaacada rayidka ayaa BBC-da u sheegay in ay dhinteen ugu yaraan 139 qof.

Ugu yaraan 64 qof waxay ku dhinteen gobolka Morelos oo keli ah oo koonfur kaga beegan caasimadda, 29 kalena waxa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen gobolka Puebla. Magaalo madaxda Mexico City gudaheedana waxa la xaqiijiyey in ay lix iyo soddon qof ku dhinteen.

Ceelhuuronline

@BBC