Akhri magaca Ganacsade Galabta lagu Dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Koox hubeysan ayaa waxa ay galabta gudaha suuqa Bakaaraha ku dileen nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade.

Ninkaan la dilaya ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sadaam Maxamed Daahir, waxaana uu u geeriyooday risaas ay dabley kaga dhufteyn qeybta sare ee jirkiisa.

Ciidamada ammaanka oo sameeyay baaritaan aan cidna lagu soo qaban ayaa meydka marxuumka u soo qaaday xarunta CID-da, si baaritaano loogu sameeyo ninka la dilay, sawirana looga qaado.

Isla maanta waxaa Muqdisho lagu dilay Cabdi Maxamed Cosoble(Cabdi Madoobe), waxaana uu ahaa Darawal ka mid ah darawaladda Wasaaradda Arimaha Gudaha. Waxayna Dilalkaani qayb ka yihiin ugaarsiga laga hayo Dadka wax gal ah.