Maraykana oo ka digay weeraro ay Alshabaab ka geystaan Kenya

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Mareykanka ayaa uga digay Kenya in ururka  Al-shabaab Weeraro ka geystaan magaalooyinka Wadankaas, Maraykanka ayaa  cadeeyey in Al-shabaab ay weeraro ka geystaan magaalo xeebeedyada, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ajaaniib dalxiisayaal  u badan.

Warbixin sirdoonka Maraykanku usoo gudbiyey kan Kenya ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta u dhashay Maraykanka laga doonayo iney joojiyaan dhaqdhaqaaqyada badan.

Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in meelaha sida weyn loo tuhunsanyahay ay ku jiraan gobolka Waqooyi Bari oo laga cabsanayo in Al-shabaab weeraro ka fuliso.

Meelaha farta lagu goday waxaa kaloo kamid ah magaalada Lamu oo loo digey dadka aan Kenyanka ahayn in halkaasi ay si degdeg ah uga soo baxaan, si aaney dhibaato ugala kulmin Al-shabaab.

Kenya ayaa dhankeeda waxay heegan gelisay ciidamadeeda, iyadoo aan yareysan digniinta amni ee kaga timid dowladda Maraykanka.