Warbixin gaar oo ay diyaarisay shirkadda Vates Corp oo dhanka ammaanka qaabilsan ayay kaga hadashay 18 kii weerar ee ugu weynaa ee Alshabaab ka geysteen Hotelada iyo goobo muhiim ah Magaalada Muqdisho.
Warbixintan ayaa ka hadlaysa weeraradii ay Alshabaab qaadeen intii u dhaxeysay Janaayo 2015 ilaa Agoosto 2016, wax ayna warbixintan ku qorneyd luuqada ingiriiska, waxaana ayna faafaahinaysa sida ay weeraradaaas u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay.
Khasaaraha weeraradaas ayay ku sheegeen, 249 dhimasho, 690 dhaawac, iyo 66 oo ah kooxihii weeradadan geystay oo la dilay markii dambe, waxaana weeraradan ka dhaceen inta u dhaxeysa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ilaa Xeebta Liido, waana qiyaastii 6.3 kiilomitir.
Weerarkii ugu khasaara badnaa 2015 ayaa 20 Feberaayo 2015 ka dhacay Hotel Central waxaana ku dhintay 27 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 50 kale, dhanka kale sanadkan 2016 weerarkii ugu khaasaraha badnaa ayaa 30 Agoosto 2016 ka dhacay Hotel SYL waxaana ku dhintay 28 qof iyo dhaawaca 45 kale.
Weeradadan ayaa muujinaya in ay jiraan shabakado Alshabaab oo ka jira gudaha iyo hareeraha Magaalada Muqdisho, kuwaas oo isku xiran , fulina kara weeraro xooggan.
Comments are closed.