Sanad ka Dib Maxaa Laga Dhaxlay Xasuuqii Zoobe (Warbixin)

Wararka Maanta

14-Ka October 2017 Sanad Ka Hor Isgoyska Zoobe Ee Muqdisho Waxaa ka Dhacay Xasuuqii Ugu Badnaa Ee Abid Soomaaliya Ka Dhacay Ka Dib Markii Gaari Walxaha Qarxaha Laga Soo Buuxiyey Uu Isku Qarxiyey Isgoys-ka Zoobe.

Waxa Uu Ahaa Qaraxii Ugu Foosha Xumaa Ee ka Dhaca Muqdisho Tan Iyo Intii Ay Marti Gelineysay Weerarada Qaraxyada Ah Ee Ka Dhaca Caasimadda Dalka Ee Muqdisho.

In Ka Badan 500 Ruux Oo Muwaadiniin Soomaaliyeed Ah Ayaa Ku Dhimatay Qaraxyadaasi Halka Tiro Intaas Ka Badana Ay Ku Dhaawacantay.

Dadka Qaraxaas Ku Naf Waayey Ayaa Dhammaantood Ahaa Dad Aan Waxba Galabsan Oo Ka Mid Ahaa Shacabka Masaakiin Ah Ee Ku Nool Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Dalka.

Dhalin Badan Oo Ay Usoo Iftiimeysay Noloshooda Oo Mustaqbal Wanaagsan Leh Ayaa Qaraxaasi Ku Naf-waayey Isla-markaana Gebi Ahaanba Bur-buriyey Hamigii Ay Nolosha Ka Lahaayeen.

Dadka Qaraxaas Ku Geeriyooday Qayb ka Mid Ah Waxa Ay Ahaayeen Ardo Dhameystay Heerarka Kala Duwan Ee Waxbarashada Oo Uu Isugu Jiray Iskuullo Sare Iyo Heer jaamacadeed balse Kuma Guuleysan Rajadii Iyo Ifa-faaladii Ay Ka Lahaayeen Noloshooda.

Lamaane Ugub Ahaa Ku Geeriyooday, Hooyo Iyo Caruur Aan Waxba Galabsan Ayaa Ku Naf-Waayey, Waalid Ayaa Qaraxaas Ku Waayey Awlaadii Ay Dunida Ka Fiirsanayeen.

Bahda Caafimaadka Muqdisho Weli Lama Kulmin Maalin Uga Mashquul badneyd Ugana Murugo Badneyd Ka dib Markii Isbitaalada Muqdisho Ay buuxnaafiyeen Dadka Kusoo Waxyeeloobay qaraxii  14-Octobe Ka Dhacay Isgoyska Zoobe Ee magaaalada Muqdisho

Inta Muwaadiniinta Soomaaliyeed Weli Kama Go’an Qalbiyadooda Xasuusta Xasuuqii 14-Octobe Ee Ka Dhacay Isgoyska Zoobe Ee Magaalada Muqdisho Dad Badan Abwaano Ayuu Ka Dhigay Xasuuqaas Oo Dantu Waxa Ay Ku Qasabtay In Gabayo Ka Tiriyaan Iyo Weliba Erayo Kale Oo Ay Ku Miijinayaan Sida Ay Uga Xun Yihiin Qaraxaasi.

Marka Laga Yimaado Dhimasha Murugada Leh Ee Zoobe Sidoo kale Waxaa Bur-bur Xooggan Soo Gaaray Dhammaan Dhismayaashii Ka Ag-dhawaa Aga-gaarka Isgoska Zoobe Oo Ah Halka Ay ka Dhacday Mashaqadaan.

Hadda Waxaa Soo Kabanaya Xarumihii Bur-burka Xooggan Kasoo Gaaray Musiibadii Zoobe Oo Waxaa Socda Dadaallo Dib Loogu Dayactirayo Xarumihii Ku Baa ba’ ay Qaraxaasi.

Qaraxaas Ayaa Waxa Uu Ahaa Mid Hal Mel Uga Soo Wada Jeesteen Muwaadiniinta Soomaaliyeed Isla-markaana Muujiyey Sida Ay Uga Xun Yihiin Qaraxaasi.

Mahadhada Iyo Murugada Laga Dhaxlay Xasuuqii 14-October Ayaa Ah Mid Weli ka Guuxeysa Quluubta Dhammaan Shacab Weynaha Soomaaliyeed.

Isku Soo Wada-duub Dhacdadii Zoobe Ayaa Ah Mid Saameyn Ku Yeelatay Maskaxda Muwaadiniinta Soomaaliyeed Waxaana hadda Isgosyka 14-Ka October Ex Zoobe Laga Taagay Taalo lagu Xasuusanyo Xasuuqii Meeshaas Ka Dhacay.

Dhacdadii Zoobe Waxa Ay Aheyd Xasuuq Qaran, Oo Uu Xigay Gurmad Qaran Ugu Dambeyna Dhalisay Midnimo Qaran.