Wiil uu Dhalay AU Xildhibaan Boqore oo loo doortay Xubin Golaha Shacab ah

Xarunta Golaha Shacabka ayaa maanta waxaa lagu qabtay doorashada kursi ka banaanaa Golaha Shacabka, kaas oo uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Cismaan Cilmi Boqore oo koox ka tirsan Al-shabaab ku dileen Magaladda Muqdisho Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo uu dhalay Marxuum Cismaan Cilmi Boqore iyo Axmed Cismaan Xaashi, […]

Continue Reading

Dalka Brunei oo Dhaqangelinaya Shareecada Islaamka

Qaramada Midoobay ayaa maanta cambaareysay sharciga Islaamiga ah ee ku dhaqankiisa uu toddobaadkan ka hir-galayo dalka Brunei, kaasi oo ay ku qeexday “mid arxan darro ah, oo ka baxsan bani’aadannimada.” Sharcigan ayaa dil ku xukumaya dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, kuwa ku kaca zinada, iyo in gacanta laga gooyo qofkii xatooyo sameeya. “Waxaan […]

Continue Reading

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo beeniyey in 29 Sharci loo soo gudbiyey Aqalka Sare

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa beeniyey war uu Reysal Wasaare Kheyre sheegay, oo ahaa in Aqalka Sare loo gudbiyey 29 Hindise Sharciyeed, kuwaas oo kasoo gaaray Golaha Shacabka. Guddoomiye Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in ay Kalfadhigii 4-aad soo gaartay Aqalka Sare 7 Hindise Sharciyeed oo kaliya, 5 ka mid ahna ay […]

Continue Reading

Muxuu Farmaajo uga baaqaday furitaanka Kalfadhiga 5aad Aqalka Sare?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta ka qeyb galay furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare, isaga oo shaaciyey sababta uu uga baaqday Madaxweyne Farmaajo. Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kheyre in Madaxweyne Farmaajo uu isaga u soo wakiishay ka qeybgalka kulanka,isla markaana uu khudbad ka jeediyey furitaanka Maanta ee Kal-fadhiga 5aad. Sababaha uu […]

Continue Reading

Eng. Yarisow oo faray Laamaha Amniga in lasoo qabto Askarigii dilay Bajaajlaha

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) Duqa Muqdisho ahna Guddomiyaha Gobolka Banaadir  ayaa faray laamaha amniga in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilka u geystay muwaadin Bajaajle ah, si caddaaladda loo horkeeno. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku tilmaamay wax laga naxo falkan foosha xun ee askari ka tirsan CiIdanka Ilaalada Deegaanka Xamar ee (Munishiibiyo) uu ku […]

Continue Reading

Faa Faahin: Dab qasaare gaystay oo ka kacay Guriceel

Waxaa weli uu dabka oo geystay khasaaro hantiyadeed uu ka socdaa goobo Ganacsi oo ku yaalla degmada guriceel ee gobolka Galgaduud, iyada oo dabka uu kusii fiday goobo Ganacsi oo kale. Dabka ayaa markii hore ka bilaawday kaalin Shidaal oo ay leedahay shirkad lagu Magacaabo Beder,isaga oo kusii fiday Goobo Ganacsi oo kale oo ay […]

Continue Reading

Xildhibaano gudbiyey Mooshin deg deg ah

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa maanta guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan u gudbiyey mooshin deg deg ah. Xildhibaanadan ayaa gudoomiyaha ka codsaday Mooshinkan lagu daro ajendaha Fadhiga 1aad ee kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka. Mooshinkan ayaa ka hadlaya xaaladda ammaanka Dalka, waxaana saxiixay 17 xildhibaan.

Continue Reading

Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho oo la xiray

Inta badan waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada Muqdisho ayaa saaka oo Sabti ah xiran, iyadoo la dhigay Ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaasoo wata gaadiidka dagaalka. Ciidamada ayaa xiray isgoysyada sida Tarabuunka, Zoobe, Banaadir, Dabka iyo kuwa kale oo isku xira jidadka Wadnaha iyo Maka Al-Mukarama, waxaana wadada bartankeeda lagu jaray gaadiidka dagaalka. Waddooyinka […]

Continue Reading

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Arimaha Qaxootiga

Wafdi wasiirro oo ka socda Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda, halkaassi oo ay uga qeyb galayaan shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga, oo uu soo abaabulay Urur Goboleedka IGAD. Shirkan oo soconayay muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirro iyo agaasimayaal iyo hay’adaha kala duwan oo arrimaha qaxootiga […]

Continue Reading

Sabriye oo Muqdisho ku laabtay isagoo gacmo maran

Wasiirka Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa saaka si deg deg ah ugu laabtay Magaalada Muqdisho, wasiirka oo shalay barqadii soo gaaray Dhuusamareeb ayaa kulamo isdaba joog ah la yeeshay Madaxda Galmudugta Dhuusamareeb iyo Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud. Kulamadii ugu dambeeyey ayaa dhacay xalay, waxaana wasiirku kulan la […]

Continue Reading