Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka maanta ka furmaya Seoul

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdulahi iyo Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qeyb galaya Shir ka furmaya Caasimada Jamhuuriyadda Kuuriyada koonfureed  ee  Seoul. Shirkaan ayaa looga hadli doonaa arrimaha nabada aduunka, waxaana isugu imaan doonaan qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Baarlamaanka dalalka Caalamka. Kulanka ayaa socon doona 7-11 Bishaan, waana […]

Continue Reading

Xarunta degmada Howlwadaag oo dib loo dhisayo (Sawirro)

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa dhagax-dhigay xarunta degmada Howlwadaag oo kooxaha argagixisadu ay la beegsadeen Qarax. Guddoomiye Xuseen ayaa sheegay in kooxaha argagixisadu aysan marnaba ka weecin karin bulshada Caasimadda jidka horumarka iyo dib-u-dhiska, isagoo xusay in xarunta degmada Howlwadaag ay dib u bilaabi doonto […]

Continue Reading

MD Xasan Sheekh oo la kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif (Sawirro)

Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa saakay hoygiisa ku booqday Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. Ugaaska ayaa soo dhaweeyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa booqashadooda ay ku yimaadeen magaalada Baladweyne, isagoona tilmaamay in ay kulamo dhowr ah yeelan doonaan mudada ay joogaan. Xildhibaan C/risaaq Cumar wasiirkii […]

Continue Reading

Bulshada Cadaado oo si isxilqaan ah ku dhisaya Xerada CXD Qeybta 21aad (Sawirro)

Duleedka Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug waxaa ka socda dhismaha xerada Taliska ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 21aad, dhismaha xeradan ayaa waxaa si isxilqaan ah ku dhisaya bulshada Cadaado. Maanta ayaa halka dhismuhu ka socdo waxaa booqday Abaanduulaha Qeybta 21aad, Gudoomiyaha Degmada Cadaado, xildhibaano, Saraakiil iyo guddiga howsha wada. Dhismaha xeradan ayaa ka kooban Bakhaarada keydka […]

Continue Reading

Aqalka Sare oo War kasoo saaray Shirka Xaraashka Shidaalka Soomaaliya

Guddiga Kheyraadka ee Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay Shirka khamiista todobaadkaan lagu wado in lagu qabto London kaas oo looga hadlayo Shidaalka Soomaaliya. Warsaxaafadeed ay soo saareen Guddiga waxaana ku saxiixan Guddoomiyaha Guddigaasi Senetor Ilyaas Cali Xasan. War Saxaafadeed Shirka Xaraashka Shidaalka Soomaaliya Ee LondonDhamaan dadka Soomaaliyeed ee dareenka xoogan […]

Continue Reading

Amar kasoo baxay RW Khayre oo lagu kordhiyay Saacadaha Shaqada Barnaamijka Is-xilqaan

Waxaa si habsami leh u soconaya barnaamijka Isxilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud,iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan dhamaan shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya,waxaana la kordhiayay saacadaha shaqada. Saacadaha Shaqada Barnaamijka Isxilqaan ayaa la kordhiyay in la soo galo subixii hore,iyadoo laga baxayo  gelinka dambe,si loo dardargeliyo howlaha ballaaran ee dhismaha […]

Continue Reading

Xasan sheekh Maxamuud oo Baladweyne ku wajahan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa maanta ku wajahan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, iyadoo magaalada laga dareemayo qaban qaabo lagu soo dhoweynayo. Wafdiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Xisbigiisa, waxaa socdaalkiisa Beledweyne uga sii gudbi doonaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle […]

Continue Reading

NISA oo howlgal hub lagu furtay ka fulisay Shabeellaha Hoose

Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay Hub ay leeyihiin Al-Shabaab ka dib markii ay howlgal ka fuliyeen degaanka Forsooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose. War kasoo baxay taliska NISA ayaa lagu sheegay in sidoo kale ay Ciidanka Burburiyeen goobo Al-Shabaab ay dadka uga qaadi jireen Zakawaad. […]

Continue Reading

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka 5-aad ee heer Wasiir ee EU iyo Jaamacadda Carabta

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka qeybgalay shirka shanaad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Magaalada Brussels, ee dalka Belgium, 4 February ,  iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro arrimo dibadeedyada wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Wasiirro arrimo dibadeedyada […]

Continue Reading