Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka maanta ka furmaya Seoul

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdulahi iyo Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qeyb galaya Shir ka furmaya Caasimada Jamhuuriyadda Kuuriyada koonfureed  ee  Seoul.

Shirkaan ayaa looga hadli doonaa arrimaha nabada aduunka, waxaana isugu imaan doonaan qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Baarlamaanka dalalka Caalamka.

Kulanka ayaa socon doona 7-11 Bishaan, waana markii ugu horreysay oo Soomaaliya ay ka qeyb galeyso Shirkaasi.

Shirkaan ayaa la qabta sanadwalba, waxaana inta badan lagu soo bandhiggaa sidda ugu haboon ee looga wada shaqeyn karo Dimuqraadiyadda iyo Nabadgaliyadda Caalamka.