Jaamacadda Geeska Afrika oo Kulan Wacyigalin ah u qabatay Ardayda Cadaado (Sawirro)

Jaamacadda Geeska Afrika xarunteeda Magaalada Cadaado ayaa kulan wacyigalin ah u qabtay ardayda dhameysay dugsiyada Sare ee ku nool magaalada Cadaado. Madasha ayaa waxaa kasoo qeybgalay Masuuliyiin jaamcadda, arday iyo marti sharaf. waxaana qaar ka mid ah Macalimiinta ardayda u sharaxeen habka doorashada kuliyada jaamacadda, iyo qeybaha ay ka heli karaan jaamacadda Geeska Afrika xarunteeda […]

Continue Reading

Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Duleedka Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ah sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka. Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Daahir Xasan, waxaana uu ka mid ahaa dhalinyaradda kunool degaanka Ceelasha Biyaha. Kooxo hubeysan ayaa toogtay Cabdirashiid Daahir oo kasoo baxay dukaan ku yaalla […]

Continue Reading

Shirka Madasha Wasaaradaha A. Dastuurka oo Muqdisho ka Furmay (Sawirro)

Shirka Madasha shanaad ee ay ku mideysanyihiin Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo looga doodi doono qodobo badan ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir ku soo bandhigi doonaan horumarka seddexdii bilood ee la soo […]

Continue Reading

Faafaahin: Siideynta C/Kariin Qalbi Dhagax

Dowladda Itoobiya ayaa maanta sii deysay sarkaalka ONLF Sare oo ka tirsan ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Suldaan Fowsi Maxamed Cali. Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in maanta oo Khamiis ah 8 am subaxnimo la sii daayey Qalbidhagax. Mid ka mid ah ehelada sarkaalkan ayaa sheegay in […]

Continue Reading

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Kenya

Kulan gaar ah ayaa wuxuu magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku dhexmaray  Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Aqalka senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka. Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa dhiggiisa kaga mahad celiyay dowladda Kenya kaalmada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliya gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalku ku jiray, […]

Continue Reading

Mayor-ka Cadaado oo ka qeybgalay shirka Caasimadaha (Sawirro)

Gudoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgalay shir looga hadlayey Horumarinta iyo Qorsheynta Koboca Magaalooyinka waaweyn Soomaaliya. Shirkan oo socday laba maalmood ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mayor-da caasimada Dowlad goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradaha Arimaha Gudaha maamuladada, Hay’adaha iyo dowlaha daneeya Soomaaliya. Waxaana Galmudug ku matalayey Mayor-ka Cadaado. Shirkan ayaa waxaa […]

Continue Reading

Khilaaf soo kala dhexgalay Wasiirka Maaliyadda iyo R.W Khayre

Khilaaf xoogan ayaa la xaqiijiyay inuu soo kala dhexgalay Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Dr. Cabduraxmaan Ducaale Beyle kaasoo in muddo ah soo jiitamayay. Waxaa jiray warar sheegaya in  Beyle uu ashtako ugu tagay Madaxweyne Farmaajo, asagoo ka cabanaaya cadaadiska Reysalwasaaraha. Wixii ka dambeeyay khilaafka Raysal wasaare Khaire iyo Beyle ayaa saraakiil […]

Continue Reading