ILMADII SAMIIRA …. AARGADII DAYNIILE

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

ILMADII SAMIIRA

AARGADII DAYNIILE

(XAQU HADUU QARAAR YAHAY SOOW QOTAMI MAAHA)

Waxaa Qoray .Cawil Dahir

Samiira iyo C/weli waxay AQALGALEEN 16kii bishii Maarso ee isla sanadkan 2018, waa maalintii farxadooda ee lamanuhu ay qoys ku midoobeen, 3 June ee 2018 waa maalintii murugadooda,oo qoyskoodii uu kala dhantaalmay oo uu burburay kadib markii mid ka mid ah ciidamada dowladdu uu si bareer ah u dilay Bajaajlihii C/weli, 80 maalmood oo qoyskaasi ku  soo jiray farxad iyo reynreyn waxuu ku soo gabagaboobay murugo, wxaase xanuun raage noqdey in dilaagii aan la soo qaban oo wali aan maxkamad  la soo taagin..

Maxaa loo diley Cabdi wali?

Ma ilmeynin beryahan, waa murugo, waa ciil, waa uur kutaalo.waa boholyoow, waa abyan, waa anfariir. waa naxdin, waa ammakaag,waa afdhabaandhow, waa arxandarro,waa gabood fal,waa kaa adki, waa ayaandarro, waa lama arag iyo lama maqal.

Intaas oo erey dareenkeyga mid aan duldhigo oo ku adkeeyo qormadeydan waa garan waayay markaan maqlay dhacadada xanuunka badan ee ku dhacday gabadha Soomaaliyeed Samiira C/risaaq oo dhawaan seygeeda lagu diley isagoo waxba galabsan oo wada (bajaaj taxi)uu ku xoogsado, kana maareyayo nolashiisa isaga oo marayay mid ka mid ah waddooyinka  degmada Deyniile  ee gobolka Banaadir oo dhinaca koofureed kaga beegan bartmaha casimada magaalada mogdishu.

In Mogadishu qof lagu dilo ma aha wax cusub laakiin sida loo diley Cabdi wali waxeey reebtey xanuun baahay oo saameeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waa sababta keentey inan qormadan Qalinka u qaato oo aan ku karfano shucladdii nololeed ee lammaanihii farxadda ku noolaa ee askarigii qaranku geerida ku kala erdheeyay markuu si ula kac ah u diley hormoodkii qoyskii xushmada iyo qaddarinta ku dhisnaa.

Waa hubaa in ay ku dhibtey oo qalbiga kala ooysay adiga oo ka caloolxumaanaya geerida naxdinta iyo uur ku taalada laheeyd  ee u soo hoyatey walaasheen Samiira Cabdi risaaq oo u dhaxdey wadihii bajaajlihii la diley Cabdi wali Nuur Siyaad oo 17 kii Ramadan MUQDISHO lagu dilay.

 

ILMADII SAMIIRA!!!

Waa maalin adag oo gudcur ah naqasku kugu dhagi lahaa oo balowgaga iyo sawaxankaga dhinac walba MOGADISHU laga maqli lahaa haddii naf aad jeceshahay oo farxad wadaagteen oo caafimaad qabta oo daqiiqado ka horna aad codka telephone ka iska maqasheen kuuna sheegay in uu dhankaaga u soo socda oo aad daqiiqado kadibna aad dooneysay in aad indhaha ka qaado  si aay ugu naaloodaan, adigoo waliba u diyaar garoobay oo hortaagan kuna sugaya halkuu saakay ku sii dhigey seygaagii aad jecleyd  inta aanu bilaabin shaqadiisii caadiga aheyd.

Waa ugu adag tahay in aan sawir mala awaaleed ka bixiyo xaaladdii Samiira laakiin intii aan bushimaheeda ka furay muuqaal aan daawadey  ayadoo murugooneysa aan tiraabeeyo.

Samiira qiyaastii waa 20 jir xaaskii Cabdi wali buugaagteedii jamacada iyo boorsadaadii ayay albaabka hore ee jaamacadda la kabruurtaa, indhaheedu waxaa ay qabanayaan bajaajyada faraha badan ee wadeyaasha Taksiileyda ku shaqeysta, dhammaantood indhaheedii waa ay wada xiiseynayaan laakiin kalarrada ayaa kala duwan oo mid ka mid ah ayay si gaara u sii xiiseynaysaa, kaasuna waa midka marsan bajaajka Cabdi wali uu nolosha qoyskooda ugu baadigoobo, waxay hammineysaa in ay heer wanaagsan ka gaarto aqoonta si wax weyna ay uga badsho nolosha qooyskeeda.

Waxa ay dhowreysaa in ay ku dhaqaaqdo shaqo howleedkeedii maalmeed, waxay ka fekereysaa in dukaamada iyo moolalaka kuwa ka mid ah ay ka sii sameeysato shopping ama adeeg  oo subixii hore saakay ay ku balmeen lamaanuhu in aay ka dukaameystaan, tii ale waa halkeedii laakiin nooluhu waa kii sameystaa qorshe dhow iyo mid fog waxeeyna ku dhammaataa tii Alle qofna ma oga oo waa qarsoon tahay xilliga nafta laga qaadayo iyohalka uu ku geeriyoonayo, Allow qaatumada noo samee

Samiira inyar kadib waxaa aay eegeysaa telefonkeedii si aayna u hareer marina ama aanay u maqli weynin gariirka ama gambaleelka dheer ee telefonka aay gacanta ku sidatay waxey dhowreysaa codka Cabdi wali oo oranaya macaanto waa kuu taaganahay ee soo dhaqaaq.

Weli nolosheeda may arag Cabdi wali oo soo daahay weyna dareentey maalintaas  inuu soo daahay, dhowr jeer oo hore ay ula hadashay sacadihii ugu dambeeyay noloshiisa ,waxuu wargaliyey in waddooyinka oo xiran uu ku soo beegmay laakiin uu u soo dhow yahay.

In ku filan in qof la dhowro markay taagan tahay, Telephone-kiisii ayeey ku dhufatey qofbaa degdeg ula Hadlay oo ku yiri “ruuxa telefonkaan leh waa meyd waa la diley, wuxuu dhexyaalaa waddada Meydkiisa soo doonta haddii aad garaneysid”.

Samiira Cirka iyo dhulka ayaa la wareegay, maalintii waa ay u soo yaraatey maskaxdeedu waxeey degdeg u aqrisay dhammaan wanaaggii iyo jaceylkii lamaanaha dhexyaalay waxuuna sawirkii ugu dambeeyay noqday ,markeey dul istaagay Cabdi wali oo meyd oo madaxa iyo lugaha ay xabadihii kaga yaallaan oo bajaajkiisii dhexyaal marar qaar run waa u qaadan weysay dhacadii adkeeyd ee ku ugubka aheeyd waxay u maleyneysay in ay riyooneyso.

Ilmadii Samiira ee sacabadeeda qooyay waxay dhabannadii Cabdi wali  kaga soo tirtey kareemkii ay saakay wajiga u  marisay  markii ugu dambeysay ee aqalkooda ay ka soo baxayeen  maalintaas.

XAQIIQADA lama dafiri karo, daqiiqad kasta iyo saacad walba guri ka mid ah guryaha Soomaaliyeed ayaa murugo dhextaallaa, sameyntii farxadii  nololeed ee Samiira waa cidlo,  waxaa ay dul istaagtay Qabrigii iyo gurigii rumaad qof aay hamuun u qabtey, dunida ay u jecleyd, wehelkaadii rumaad ,saaxiibkeedii dunida, sirtaadaii nolosha, iftiinkii mustaqbalkeeda, in kasta oo aan nafta leysa siin haddana kaar iyo xanuun kulka caashaq leedahay kadeed waa ay is arkeen laakiin Samiira, samirka iyo iimanka labadaba waa ay kaashatay murugadase ma qarsoomi karin.

Samiira waxaa hareeynayay jabterkii soo xirmay ee mustaqbalkii fogaa ee ay wada hiigsaneeyseen lamaanuhu , waana ay u caddaatey in dib dambe noloshii wanaagsaneyd aaney ula wadaagi doonin jaceeylkeedii dhabtaa ahaa,lamaanihii wehelka raxmada ku wadaagey labadii daarood midba mid raac laakiin culeeyskii dunida Samiiruu horyaal Cabdi walina camalkiisa ayaa horyaalay, mid walba alow u fududee

Waa hubanti xaqiiq ku saleeysan in aanay dib dambe u arki doonin Cabdi wali, dhadhansigii macaanaa, noloshii dhabtaa aheyd, gabal dhacay habeen dam ah waxba ma dhaamo, ehelkii arqabadii. Asxaabtii, Ilaahay ha u naxariisto, gacan ka XAQDARAN ayaa dishey ayaa lagu soo gunaanaday laakiin XANUUNKA, kaarkii iyo  uurkutaaladii waxay ku soo hoortey Samiira, Cabdi walina intii jecleyd ciiddeey ku rogeen oo waa la aasay..

Qabrigii waa laga soo dareeray Samiira iyadoo kaligeed ah oo gacno maran hungana ka muuqato ,waxaa loo soo galbiyey gurigii ay degganeyd, kolkii  qolkii aay degganaayeen ay furtay dunidu waa mugdi, iftiinka noloshu wuu yaraadey, rajadii ay qabtay waxaa ka soo soka maray huwaan gudcur salka ku heysa, laakiin Ilaahay gacantiisu waa weyn tahay iimaankeeduna waa suganaa samir iyo iimaan ayaa ka muuqdey Rabbina waa ay u bariday in ilaaheey u dambi dhaafo ruuxeey dunida u jecleeyd ee hangoosha lagu sii galbiyey iilkana la dhigey.

Hal talaabo markeey gudaha qolka u sii dhex qaadey oo darashiida furtey  waxaa u muuqday kabihiisii iyo dharkii uu arooska xirnaa, jaakad cad iyo kabo madow ayaa indhuhu si gaar u qabanayaan waxeyna u aheeyd xusuus lama illoobaan ah.

Wehelkeeda ugu dhow waa in ay Sanka saarto carfiso Shaarkii iyo barafuunkii uu marsaday ee ku yaalay shaarkii ugu dambeeyay ee uu xirto oo gacmaheeda ay uga siibtay dhimashadiisa wax yar ka hor Shaarkaas oo dhulka u yaalay in la meyro ayaa helay maamuus gaar ah oo XUSUUS iyo murugo leh.

Samiira indheeda ilmada kama celin karto, daqiiqad ma iloobi karto seygeedii ay aadka u jecleyd, xuusuusteeda kama goyn karto sidii uu u daryeeli jirey, ereyadii raxmadda lahaa iyo farxaddii joogtada aheyd ee uu siin jiray.

GUNAANAD

Geeridu waa xaq naf kastana waa dhimaneysaa waana lagu qancayaa Eebbe wuxuu qaddaray laakin naftu waxa ay is weydiineysaa :-

”gacantan xaqdarrada u dishay naflaha maskiinka ah ee mustaqbalka noloshiisa bilowga ah ka shaqeynayay sidii uu meel sare u gaarsiin lahaa.?

Muxuu xaq ugu yeeshay in loo dilo si arxan la’aan ah, muxuu xoogsadaha bajaajlaha ahi galabsaday.?

Maxaa askarigii QARANKA ugu quuray in uu gooyo naf la jecel yahay oo xaaskiisu sacabada furan ku sugeeysay, maxuu u qasaariyay jaceylkan waayaha badan aan soo jirin ee ubaxa qoyan sacabada ku sitay?,

Muxuu cidlada iyo beylahda ugu kala qoqobay lammanahan nolosha wadaagay ee farxad ku noolka ahaa.

Maxaa madaxda QARANKA uga hadli waayeen askarigan dhaawacay dhammaan quluubta dadka Soomaaliyeed ee maqlay codka cabashada iyo murugada leh iyo ilmada Samiira?,

Su’aalahan looma heli karo jawaab ilaa la soo qabto dambiilihii geystay dhagartii lagu diley Cabdi wali oo ahaa bajaajle ku jiray howlmaalmeedkiisii caadiga isagoo marayay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir kuna beegan meesha loogu magacdaray Aargada Dayniile

Haddii dilaagu askari QARAN yahay wey mudan tahay in maxkamadda ciidamada si degdeg loo horkeeno si loogu qaado ciqaabta dhibbanihii uu dilay loogana abaalmariyo gaboodfalkii uu geystay.

Haddii uu baxsaday miyaanay mudneyn shacbiga iyo bejaajleydu in ka kacaan oo ka dhiidhiyaan dhacdadaas ilaa maxkamad la soo taago oo la soo qabto dilaaga Bajaajlaha xaqdarrada ku toogtay.

Ogaada Dumanayaal Soomaaliyahow in xaq laguugu leeyahay in aad sheegto halka uu ku dhumaaleeysnayo dambiilihi dilay wiilkii Bajaajlaha ahaa ee 17kii Ramadan lagu dilay magaalada MUQDISHO si aanu ugu hiilino walaasheen murugada iyo ciilka la tiicday ee weysay odeygeedii, jaceylkeedii iyo qeyb ka mid nolosheedii cusbeyd.

Sow ma haboona in aan kor u qaadno codsiga  Samiira xaaskii C/weli si caddaaladda loola tiigsato kii ka dambeeyay in nolosheedii farxadda laheyd uu tirtiro.

Waxaan qormadan ku gabagabeynayaa fadlan caawmaad ka geeyso si loo soo qabto dhagar qabihii, dilaagii darawalkii Bajaajlahii C/weli Nuur Siyaad ku dilay Aargada Dayniile.

cawildahir@hotmail.com