Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda Soomaaliya oo Xafiis ka furatay Balanbale (Sawirro)

Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda Soomaaliya ayaa xafiis ka furatay degmada Balanbale waqooyiga gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug. Munaasabda xariga looga jarayay xafiiska ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka dagmada iyo dadka deegaanka iyo sarakiil ka socotay HSJ waxaana ay dhamaantood sheegeen in baahi weyn loo qabay howlaha ay qaranka u heyso Hay’adda socdaalka iyo […]

Continue Reading

Amiirka Al-Shabaab oo la sheegay inuu geeriyooday

Sida ay baahisay Idaacadda Ciidamada SNA Radio  Amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda) uu isniintii 25 June 2018 ku geeriyooday degmada Jilib gobolka Jubbada Hoose. Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka qeybta 43aad oo lagu magacaabo Ismaaciil Sheekh Isxaaq oo la hadlay Idaacada codka Ciidamada Milateriga ayaa sheegay in Axmed Diiriye uu geeriyooday Isniintii la […]

Continue Reading

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti (Sawirro)

Guddomiyaha Golaha Shacabka Soomaliyeed Amb Mohamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo Booqasho Ku Jooga Dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada aan Walalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle, waxayna ka Wada hadleen sidii iyagoo wada jira ay isaga gaashan lahaayeen arrimaha xiriirka Dunida iyo wax is dhaafsiga. Guddoomiye Mursal oo Maalintii Labaad Booqasho […]

Continue Reading

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Amiirka kuwait (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa oo ku sugan dalka Kuwait ayaa la kulmay amiirka dalkaasi Kuwait Sheikh Sabaax Al-axmed Aljaabir Alsabaax. Wasiirka ayaa ugu horeyn amiirka Kuwait guddoonsiiyay dhambaal uu uga siday madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale Axmed Ciise Cawad ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha […]

Continue Reading

Xogta: Wadahadalka Madaxda Sare Galmudug

Madaxda Sare Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya, waxaana ay ku tageen baaq uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa 24 bishan ka dagay Magaalada Muqdisho, isagoo isla maalintaas kulan la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, Wadahadalka oo waqti qaatay ayaan natiijo rasmi ah laga […]

Continue Reading

Wafdi Sare oo ka socda Eritrea oo Maanta Tagaya Addis Abeba

Sida uu xaqiijiyey wasiirka Warfaafinta Eritrea Mr. Yemane G. Meskel waxaa maanta tagaya magaalada Addis Abeba caasimadda dalka Itoobiya wafdi heer sare ah oo ka socda dalka Eritrea. Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha dibadda Eritrea Mr. Osman Saleh, waxaana ku wehliya socdaalka La taliye Sare Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab. Masuuliyiintaan ayaa la kulmi doona madaxda dalka itoobiya, […]

Continue Reading

Hay’adda OSPAD oo Tababar ku qabatay Cadaado (Sawirro)

Hay’adda OSPAD ayaa magaalada Cadaado ku qabatay tababar ku saabsan Barashada Dowladnimada iyo Ka qeybgalka go’aan qaadashada siyaasadda. Tababarkan ayaa waxaa ka qeybgalay dad ka kala socda qeybaha Bulshada oo ku u dhaafaya 80 ruux. Tababarkan ayaa socday laba maalmood 24-25 June 2018, ayaa ka dhacay Hotel Central Magaalada Cadaado. Waxaana tababarkan maalgaliyey Hay’adda NED […]

Continue Reading

MD Farmaajo “Xorriyadda aan maanta ku naalooneyno waa mid lagu soo bixiyay dhiig iyo dhaqaale” (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay maalintii xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka, islmarkaana dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay calan Soomaaliyeed, u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in masuuliyad weyn ay ka saarantahay qof kasta oo Soomaali ah […]

Continue Reading

RW. Khayre oo La Kulmay Madaxweyne Paul Kagame

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gebagebeeyay booqasho hal maalin qaadatay oo dalka Rwanda uu ku joogay, ayaa magaalada Kigali ee caasimadda dalkaas kulan kula qaatay madaxweynaha Rwanda ahna gudoomiyaha Midawga Afrika, Paul Kagame. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Rwanda ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka […]

Continue Reading

Madaxda Galmudug oo taageeray inay Cadaado noqoto Xarunta Barlamanka (Video)

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, wasiiro, iyo xildhibaano ayaa taageeray ansixinta Barlamaanka Galmudug in Magaalada Cadaado noqoto xarunta Barlamaanka Galmudug. Masuuliyiinta ayaa la hadlay dadweyne isugu soo baxay afaafka hore xarunta ay ku shirayeen Barlamaanka Galmudug. halkaan hoose ka daawo  Muuqaalka. Share gare

Continue Reading