Akhriso:Go’aano kasoo baxay Golaha Amniga Gobolka Banaadir

Kulan howleedka Golaha Amniga Gobolka Banaadir oo uu shir-guddoomiyey Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin arrimaha la xiriira amniga Gobolka, dhulalka iyo Go’aammada Maxkamaddaha. Golaha Aminga G/Benaadir wuxuu walaac ka muujiyay sida sharciga fulintiisa ay mar walba u hirgalin oo loo hareer […]

Continue Reading

Boosaaso:Qasaare ka dhashay Bam lagu tuuray Ciidanka Puntland

Wararka ka imanaya  magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in bam gacmeed lagu tuuray ciidamo ka tirsan Puntland kuwaasoo  marayay waddo mashquul badan oo ku taal bartamaha magaalada Boosaso. Bamkan ayaa geystey qasaaro iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dad gaaraya toban ruux oo badankood ahaa ciidamadii saarnaa gaariga bamka lagu weeraray la dhigey […]

Continue Reading

Wasaaradda Maaliyadda DFS oo hirgalisay in Askari kasta Akoon gaar ah yeesho (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya   Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Daah furay Diiwaan-galinta Ciidamada Xooga Dalka oo markii ugu horeysay Taariikhda Soomaaliya  Askari walbo Mushaarkiisa uu ku qaadan doono Akoonkiisa gaarka ah. Arintaan oo uu hormuud ka yahay Wasiir Beyleh ayaa ujeedkeedu waxa uu yahay in laga gudbo Nidaamka Lacagaha Kaashka ah gacanta […]

Continue Reading

Puntland oo 2400 Askari ku wareejisay Dowladda Federaalka (Sawirro)

Waxaa maanta Xerada 54 aad Ee Garowe lagu qabtay Xaflad lagu wareejinayay ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland oo ku biiraya Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed. Ciidankan oo tiro ahaan gaaraya 2,400 oo Askari, ayaa qayb ka ah ciidamo laga qorayay Maamulada xubnaha ka ahDawladda Federalka Dhexe, waana heshiis horey loo kala saxiixday oo ku saabsanaa […]

Continue Reading

(Sawiro) Farmaajo oo ka qeyb-galaya Shirka Iskaashiga Midowga Afrika iyo Yurub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kaga qayb galaya magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast shirka 5aad ee madasha iskaashiga waddamada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Félix Houphouët-Boigny ee Abidjan Madaxweyne Ku Xigeenka dalkaas Mudane Daniel Kablan, Wasiirka […]

Continue Reading

Ganacsato Soomaali ah oo wada dhashay oo lagu dilay South Africa

Wararka ka imaanaya Dalka Koofu-Africa ayaa Sheegaya Koox Burcad ah oo hubaysani Dileen Ganacsade Soomaaliyeed hal ay mid kala dhaawaceen.Labada Nin ayaa la sheegay in ay ahaayeen walaalo waxaan lagu kala Magacaabaa Cumar Salaad Xaashi iyo Liibaan Salaad Xaashi. Ganacsade Cumar Salaad Xaashi ayaa u dhintay weerarka Kooxda Buracada ah Halka uu ku dhaamacmay Walaalkiis Liibaan […]

Continue Reading

Muqtaar Roobow oo gaaray Xudur

Wararka ka imanaya magaalada Xudur  ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo 13-kii August isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya uu maanta gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool. Roobow oo ay wehlinayaa xubno uu kamid yahay wasiirkii hore ee difaaca xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed ayaa lagu soo dhoweeyay […]

Continue Reading

Maamulka G/Banaadir oo soo celiyay Dhul uu lahaa Cabdulaahi Yusuf

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa ku guuleestay in uu dib ugu soo celiyo Dhul uu lahaa allaha u Naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed, Caruurtiisa ayaa lagu wareejiyay dhulkaas oo ku yaala Degmada Wadajir ee Gobolka Benaadir oo in muddo ah laga hastay. Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed […]

Continue Reading