Puntland oo 2400 Askari ku wareejisay Dowladda Federaalka (Sawirro)

Wararka Maanta

Waxaa maanta Xerada 54 aad Ee Garowe lagu qabtay Xaflad lagu wareejinayay ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland oo ku biiraya Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Ciidankan oo tiro ahaan gaaraya 2,400 oo Askari, ayaa qayb ka ah ciidamo laga qorayay Maamulada xubnaha ka ahDawladda Federalka Dhexe, waana heshiis horey loo kala saxiixday oo ku saabsanaa isku dhafka ciidamada Soomaaliya.

Taliyaha Guud Ciidamada difaaca Puntland Sareeyo Guud Siciid Maxamed Xirsi Siicd Dheere ayaa sheegay Ciidamada Puntland ku wareejisay Dowladda dhexe gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya inay ka yimaadeen ciidamada Puntland oo dhexdooda laga soo xulay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ciidankaani yihiin, ciidankii xoogga Puntland ee kusugnaa xertyaha difaaca.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay maantalaga bilaabo in ciidanka Daraawiishta Puntland ay ka mid ahaan doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayna dowladda Federaalku la wareegi doonto dhammaan wixii xuquuq ah oo ay ciidankaan leeyihiin.

Madaxwayne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegay in waqti badan soo qaadatay in la diyaariyo ciidamada ay wareejinayaan.