Waxaa maanta magaalada Cadaado looga furay 150 ka mid booliska dowlad goboleedka Galmudug aqoon kororsi ku saabsan habka suggidda amniga doorashada, waxa uuna soconayaa muddo saddex maalmood ah.
Tababarkaan ayaa waxaa bixinayaa saraakiil ka tirsan booliska AMISOM, waana markii ugu horeysay oo aqoon korarsi nuucaan ah loo qabto booliska ka qeybgalaya suggidda amniga doorashada.
Casharada lagu qaadanayo aqoon kororsigaan ayaa waxaa ka mid sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen dhammaan hay’adaha Amni ee ka qeyb qaadanaya sugidda amniga doorashada aqalka hoose.
Comments are closed.