Guddoonka Golaha Shacabka Oo Kala Diray Guddiga Maaliyadda BFS

Wararka Maanta

Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa kala diray Guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda, isla Xisaabtanka iyo Qorsheynta.

Wareegto ka soo baxday Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/Wali Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa lagu sheegay in isaga oo ka duulaya qoraal uu soo qoray kuxigeenka 2aad ee Golaha shacabka uu kala diray Guddiga Maaliyadda.

Guddigan ayaa Sabtigii la soo dhaafay isku khilaafay Warbixin Maaliyadeed ay ku sheegayeen in Wasaaradda Maaliyadda ay lacago badan isdaba marisay.

Guddigan oo ka kooban 18 xubnood ayaa 10 ka mid ah waxa ay beeniyeen in ay wax ka ogaayeen Warbixinta guddiga maaliyadda,taas oo muran ka dhex dhalisay Guddiga iyo Golahaba.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo shir guddoominayay kulankii Sabtigii ayaa raalli gelin ka bixiyay warbixinta miisaaniyadda maqan ee ay Guddiga soo bandhigeen isaga oo sheegay in Golaha uu leeyaay Xafiisyo ay ku shaqeeyaan Guddiyada iyo shaqaale la shaqeeya.

Hoos Ka Akhriso Warqadda:-