Warbixin: Xidigahee Laga Yaabaa Arsenal Inay Lasoo Saxiixato Ka Hor Dhamaadka Suuqa Kala Iibsiga?

Ciyaaraha

Gunners ayaa ku bilaabatay si xun xilli ciyaareedkan cusub ee Premier League iyadoo keliya hal dhibic ka heshay labadii kulan ee ugu horeysay, waxaana la sheegay in ay baahi wayn u qabaan in kooxda kagu soo daro dhiig cusub.

Arsenal waxa ay dabacsanaan buuxda ka haystaa weli difaaca, weerarka qadka dhexe iyo weerarka, waxaana jira xidigyo dhoowr ah oo lala xiriirinaayay kuwaas oo dabooli kara boosaska daciifka ah.

taageerayaasha Arsenal ayaa weli sugaya hal ama labo saxiixa ka hor dhamaadka suuqa kala iinsiga walow malin Arsen Wenger uu wali ku adkeysanayo inuu ku helo lacago yar xidigo qaliya, taasoo sii niyad jabinaysa taageerayaasha.

James Rodriguez

Who might Arsenal still sign before the end of the transfer window?

kooxda Arsenal ayaa hogaaminaysa loolanka loogu jiro saxiixa xidiga naadiga Real Madrid ee James Rodriguez kaasoo lagu heli karo £ 51.5million. laakin uma muuqda tababre Wenger in uu ku qarashgareenaayo lacag intaa la eg, kooxdaan ayaa sedex sano hor lacag rikoor ah kaga soo qaadatay Real Mesut Ozil. sida cad Rodriguez ayaa doonaya in uu ka caro badasho naadiga ree spain si uu u helo boos joogta ah.

Yacine Brahimi

Who might Arsenal still sign before the end of the transfer window?

magaca kale oo diirada u saaran Arsenal ee booskaas waa xiddiga Porto Yacine Brahimi. laacibka reer Algeria ayaa soo jiitay indhaha caalamka  kadib bandhig fiican uu ka sameeyay kooxdiisa,  hore waxa uu isku deyey inuu u dhaqaaqo koox weyn . Brahimi waxa lagu qiimeeyaa £ 40m, taas oo dhab ahaan ka dhigaysa in uu  ka qarash yaryahay Rodriguez.

Wilfried Bony

Who might Arsenal still sign before the end of the transfer window?

warar dhowaan soo baxay ayaa soo jeedinnya in Gunners laga yaabo inay ku biiraan kooxaha Everton iyo Swansea City oo dabagalka ugu jira flop-ka Manchester City ee Wilfried Bony laakin taageerayaasha naadigan ayaa aad uga faraxsaneen dalabkaan. ciyaaryahanka xulka Ivory Coast ayaa awood badan ku jiray qaab ciyaareed sarre ee Premier League markii uu joogay  Swansea, laakiin kaliya 10 gool ayuu dhaliyay 46 kulan uu u saftay City, taaso ka dhigays in uusan u ekeen ciyaaryahan weyn oo hagaajin kara kooxda Arsenal, xataa haddii Gooners[ taageerayaasha Arsenal ] noqdaan  kuwa ku faraxsanahay inay ku arkaan dambeedka Olivier Giroud.

Jonny Evans

Who might Arsenal still sign before the end of the transfer window?

Jonny Evans waa mid ka mid ah difaacyada lala xiriirinaayo Arsenal, ciyaartoydii hore Manchester United ayaa iminka ah xidig ka tirsan West Bromwich.

 Jose Gimenez

Who might Arsenal still sign before the end of the transfer window?

Arsenal ayaa sidoo kale lala xiriiriyay daafaca da’da yar ee aadka loo qiimeeyo  Atletico Madrid  Jose Gimenez. Xiddiga reer Uruguay ayaa waxaa loo arkaa in uu yahay  mid ka mid ah  da’da yarta ka diyaarta daafaca ee ugu fiican, laakiin ku kici qarash dhan £ 40m ama in ka badan. Wengerna  ma aha mid  lacagtiisa si fudud ku binaya.

Arsenal waxay la soo wareegtay

Granit Xhaka
Rob Holding
Takuma Asano
Kaaleeb Nwakali.

waxaana ka tagay
Mikel Arteta
Mathieu Flamini
Tomas Rosicky
Isaac Hayden
Wellington Silva.

waxaana suurtogal ah Bixitaanka ? Mathieu Debuchy

Who might Arsenal still sign before the end of the transfer window?

 

 

Comments are closed.