Weerar xalay lagu qaaday guri uu daganaa wasiiru dowlaha Gaashandhigga

Wararka Maanta

Weerar bambaano oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay fiidkii lagu qaaday Guri ay deganaayeen Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin oo ku yaal degmada Xamar weyne.

2015108635798950543623698Wasiir_u_dowlaha_Gaashaandhigga_Xagaa_660

Guriga ayaa waxaa degenaa Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa iyo dhowr Xildhibaano ah, waxaana lagu weeraray labo bam gacmeed.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Xamar weyne G/Dhexe C/qaadir Axmed Shire ayaa sheegay in hal qof oo rayid ah uu ku dhintay bam gacmeedka, halka saddex kale oo aheyd ilaalada Wasiirka ay ku dhaawacmeen.

Waxaa uu sheegay in illaa afar ruux oo looga shakisan yahay inay bam gacmeedka tuureen ay gacanta ku soo dhigeen, isla markaana ay wadaan baaritaan.

Weerarka bambaano kadib ayaa la maqlayay rasaas ay ku jawaabeen Ilaalada Guriga ku sugnaa, lama oga in guriga joogeen iyo in kale Wasiiru dowlaha iyo Xildhibaanada.

Tagged

Comments are closed.