Kooxaha Ka Dhisan England iyo Italy Oo Ku Tartamaya Rafinha

Ciyaaraha

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Rafinha ayaa lagu soo waramayaa inuu bisha Janaayo diirada u saaran yahay kooxo dhowr ah oo ka dhisan England iyo Italy.

Rafinha oo ka soo baxay Barcelona ‘B’ si uu ugu ciyaaro kooxda koowaad ee Camp Nou – ma ciyaarin tan iyo bilowgii bishii April sababo la xiriira dhaawac, laakiin waxay u muuqataa in 24 jirkaan uu si aad ah u tixgeliyo ka ciyaarida  labada horyaal ee Premier League iyo Serie A.

Sida laga soo xigtay wargeyska Mundo Deportivo, Arsenal, Liverpool iyo Tottenham Hotspur ayaa dhamaantood ka fikiraya dalabka ciyaaryahanka reer Brazil, kaasoo 12 gool u dhaliyay 77 kulan oo uu u saftay Barcelona tartamada oo dhan.

Labada kooxood ee AC Milan iyo Inter Milan ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Rafinha , waxaana ay sidoo kale sameyn karaan qorshe bilow ah sanada 2018.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la soo jeediyay in Barcelona ay Rafinha u ogolaato inuu ka tago kooxda, waxayna ku adkeysaneysaa in qandaraaskiisa lagu burburin karo lacago macquul ah.

Rafinha ayaa weli heysta seddex sano oo uu ku sii joogayo qandaraaskiisa garoonka Camp Nou.

W/Q Hafsa haji