Borussia Dortmund Oo Ku Biirtay Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Emre Can.

Ciyaaraha

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Emre Can ayaa lagu soo waramayaa inuu bilowday xiiso ay u qabto kooxda Borussia Dortmund.

Waxaa loo arki karaa mid ka mid ah ciyaartoyda muhiimka u ah kooxda Jurgen Klopp ee Anfield, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Germany ayaa ka hartay hal sano oo heshiiskiisa ah, waxaana uu weli doonayaa inuu qandaraas cusub u saxiixo.

Juventus iyo Bayern Munich ayaa lala xiriiriyay 23 jirkaan horaantii la soo dhaafay, halka qudhiisa ayaa la sheegay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Manchester City, lakiin waxa ay u muuqataa in koox kale ay ku biirtay tartanka saxiixa ciyaaryahanka.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Borussia Dortmund ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto si ay ugu soo celiso Bundesliga, halkaasoo uu horey ugu soo ciyaaray Bayer Leverkusen.

Dortmund ayaa wajaheysa shaqo adag oo ay ku soo celineyso horyaalka  xilli ciyaareedkan iyadoo Der BVB ay haatan dhibcaha ka horeyso dhibcaha kala sareynta horyaalka, lakiin waxaa la sheegayaa in la ogaan karo inay tahay bartilmaameed weyn.

Haddii aysan ku heshiin karin shuruudaha cusub ee Liverpool inta lagu jiro lixda toddobaad ee sanadka 2017, wadahadaladu waxay ka bilaaban karaan naadiyada ajnabiga bilowga sanadka soo socda.