Wasiir Odawaa, Xildhibaan Saabir iyo Senator Bukhaari oo deeq gaarsiiyey dadka Abaartu saameysay (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo federaalka DFS Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Saabir Nuur iyo Senator Abshir Bukhaari ayaa deeq gaarsiiyey dadka ay saameysay abaarta ka jirta tuulooyinka hoos yimaada degmada Cadaado.

Xildhibaanadan laga soo doortay degmada Cadaado ayaa ugu deeqday dadkaas 20 kun dollar, lacagtaas ayaa dadkaas loogu iibiyey raashin iyo biyo dhaamin, waxaana deeqdan socon doontaa muddo bil ah, waxaana deeqdan la gaarsiiyey  tuulooyinka Sarmaan, Biyo Gaduud, God dhurwaa, Bacaha, Hulkujir, Sureey iyo kuwa kale.

Dadka deeqdaan la gaarsiiyey ayaa u mahad celiyey masuuliyiintan, iyagoo codsaday in mas’uuliyiinta iyo ganacsata ay ku daydaan, ayna la soo gaaraan wixii ay u awoodaan.

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?
?