Shaah iibiye Hal Sawir caadi ah oo laga qaaday ayaa noloshiisi bedelay!

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Shaah iibiye Hal Sawir caadi ah oo laga qaaday ayaa noloshiisi bedelay!

fb_img_1476992491544

Arshad Khan waa 18 jir Pakistani shaaha iibiya, gabar sawir-qaade ah oo hor mareysay ayaa sawir ka qaaday isagoo shaah shubaya, waxay gelisay Instagram-keeda “jiah_ali” Sawirki wuxuu noqday inuu si deg-deg ah ku faafo si weyna loo hadal hayo. Dadka ugu badan ka hadlayay waxay ahaayeen dumardunida daafaheeda kala jooga iyagoo soo qorayay inuu leeyahay Muuqaal qurxoon, Indho buluug ah, iwm. Saacad ka dib waxaa goobtiisi shaaha ugu tagay ilaa 50 gabdhood oo kala duwan.
TV wareystay wuxuu sheegay inuusan wax fikrad ah ka heysan oo gara twitter iyo fb, uuna la yaaban yahay dadkan ku soo yaacay hal mar sawirada badana ka qaadaya..

Waxaa la soo xiriiray Shirkad caan ah (fitin.pk) oo la gashay heshiis modeling (fashion model) ah, Waxaa kaloo loo soo bandhigay Heshiis Jilaa filimada ah. Tani waxay kaloo cadanaysaa awooda Social media hadii si wanaagsan loo adeegsado.
Marnaba ma uusan fileyn in sidan deg-dega ah uu caan ku noqon karo noloshiisana isu bedeli karto.

Mar buu ku wanaajiyaa,
Waqtiga kuu hiiliyaa,
Walaalkii kaa dhigaa,
Sidii Waqal kuu da’aa….

W/Q: Farah Cawaash

La Wadaag Asxaabtaada

Comments are closed.