Mohamed Elneny: “Arsenal weli way ku guueysan kartaal horyaalka Premier League”

Ciyaaraha

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Mohamed Elneny ayaa ku adkeysanaya in kooxdiisa ay weli ku guuleysan karto horyaalka xilli ciyaareedkan Premier League.

Gunners ayaa haatan ku jirta kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League – 24 dhibcood ka dambeysa hogaamiyaasha Manchester City iyagoo 12 kulan ciyaaraya xilli ciyaareedkan 2017-18.

Arsenal ayaa sidoo kale 11 dhibcood ka dambeysa Manchester United oo ay la wadaagtay kulamo isku mid ah, lakiin Elneny ayaa sheegay inaysan jirin waxaan  macquul ah marka layimaado Premier League.

“Wax aan suuroobi karin ma jirto Premier League, weli waxaan heysanaa fursad aan ugu tartami karno horyaalka, waa inaan dagaalamaynaa ilaa dhamaadka, waxyaabo badan oo la yaab leh ayaa dhici kara mar walba,” Elneny ayaa u sheegay beINSports.

“Hadii aan ku guuleysaneyno inaan horyaalka u tartanno xilli ciyaareedkan, waa inaan isku diyaarino xilli ciyaareedka soo socda, laakiin haatan waxaan ka fekereynaa kaliya inaan dhameystirno sida ugu macquulsan horyaalka.”

Arsenal ayaa raadineysa guusheedii afaraad ee Premier League ay ka gaartay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Tottenham Hotspur.