Sawirro: Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay qarax Gaari oo ka dhacay Wadada Maka-Almukarama Agagaarka isgoyska Dabka.

Gaari nooca raaxada ah ayaa la sheegay in uu qarxay,iyada oo hada Gawaarida Ambalaaska ay sameynayaan gurmad deg deg ah si dadka ku dhaawacmay ay isbitaalda u geeyaan.

Ilaa 5 ruux ayaa la xaqiijiyay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen iyada oo dhawacuna uu intaas ka badan yahay, Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa Goobta ku sugan kuwaas oo qaraxa faah faahin doona.

FB_IMG_1501408968371 FB_IMG_1501408961388 FB_IMG_1501408891179 FB_IMG_1501408886285 FB_IMG_1501408879732 FB_IMG_1501408827768