Madaxweynaha Galmudug oo furay kalfadhiga Barlamaanka

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf ayaa maanta furay kalfadhiga 5-aad ee Barlamaanka Galmudug.

Madasha furitaanka ayaa waxaa ku sugnaa gudoonka Barlamaanka, Xildhibaano iyo marti sharaf kale, inka badan 50 xildhibaan ayaa ka maqan Cadaado, taas oo caqabad ku ah inuu si rasmi ah u bilowdo kalfadhiga 5-aad.

Barlamaanka Galmudug ayaa 50% muddada xilheyntiisa ku lumiyey Mooshin iyo fasaxyo, waxaana kalfadhigan horyaal howlo badan oo ay ka mid yihiin:

1. Ansixinta Golaha Wasiirada madaxweynuhu magacaabi doono.

2. Ansixinta Tariifada canshuur aruurinta wasaarada Maaliyadda.

3. Ansixinta Siyaasadda wasaaradaha.

4. Ansixinta Sideed hindise Sharciyeed. Iyo shaqooyin kale.

Madaxweynaha oo mudooyinkan ka maqnaa deegaaanka ayaa shalay dib u soo laabtay, waxaana la filayaa inuu beri dib ugu laabto Muqdisho, isagoo halkaas uga qeybgali doono shir si gaar ah diiradda loogu saari doono abaaraha ka jira deegaanada Galmudug oo ay qabanqaabinayso Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa kasii idlaanaya waqtigii magacaabista golaha wasiirada cusub, waxaana lagu dhaliilayaa inuu C/Kariin Guuleed kala mid yahay ka maqnaanshaha deegaanka.