Magaalada Cadaado Xarunta Barlamaanka Galmudug waxaa maanta lagu doortay Gudoomiye ku xigeenka 1aad Barlamaanka Galmudug.
Cabdullaahi Xersi Maxamed iyo CabdiWali Aadan Cabdi, waxaana xildhibaanada hortooda ku tanaasulay Cabdi Wali Aadan, waxaana la guda galay in loo codeeyo Cabdullaahi Xersi oo ahaa Musharaxii soo haray.
Codeyn gacan taag ah kadib waxaa Cabdullaahi Xersi helay 58 cod, laba xildhibaan waa diideen, halka 1 xildhibaana ka aamusay.
Cabdullaahi Xersi Maxamed ayaa loo dhaariyey xilka Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Barlamaanka Galmudug. halkaan ka daawo Muuqalka Doorashada.