Diyaargarow iyo dib u habeyn ayaa ka socota Xarunta lagu wadaa in lagu qabto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Doorashada Madaxweynaha ayaa 08-02-2017 waxay ka dhacaysaa xarunta ciidanka cirka ee Afisyooni.
Horey waxaa loogu balansanaa in doorashada madaxweynaha soomaaliya ay kadhacdo xarunta ciidanka booliska ee general kaahiye balse codsi kayimid inta badan musharixiinta madaxweynaha ayaa loogu badalay xarunta ciidanka cirka ee afisyoone.