Gubashada Bakaaraha: wax aan ka barano waayaha.

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

16997915_1959145380980029_7263000923003850316_n

Sanad kasta in dab nuucaani oo kale ah uu ka kaco suuqa laba jeer ama ka badan, waxa ay dhaawac wayn ku tahay koboca dhaqaalaha dalka. si gaar ahna waxay dhabar jab ku tahay ganacsatada maalmoodu baaba’ay iyo dadka ku tiirsan.

Sida caqliga wanaagsani keenayo waa in la raadiyaa xal dhibkan hoos loogu dhigayo, iyadoo Alle la kaashanayo, balse ma ahan inaan waxba la iska wiidiin waxyaabaha dhacaya iyo sababaha ay u soo laalaabanayaan.

Sida muuqata waxaa jira dhawr arrimood oo sal u ah dabkan xilliyada badan ka kacay suuqa Bakaaraha, kuwaas oo ay ka mid yihiin.

1- Ganacsiga isku dhex yaacsan iyo halista uu kulaalayo, sida goobaha shidaal iyo maqaayadaha laga cunteeyo ama shaaka oo isku dhaw.

2-Wadooyinka Suuqa oo liita
mar kasta oo dab kaco waxaa dhibka sii balaariya in sahal ay ku soo gaari waayaan gaadiidka dab damisku, sidoo kalana dadku ay badbaadin waayaan hantidooda gubanaysa oo xitaa ay daabili waayaan, taasina waxay caymo beel ku riday dad badan.

3- Xalaalnimada Ganacsiga
Qodobkan waa mid aas aasi ah, sababtoo ah haddii waracnimada qofka ganacsanaya ay sugnaa wayso, noqona waayo mid ka dhawrsan dul saarka iyo nuucyada kale ee aan banaanayn, sida Alle ku ciqaabaa way dhaw dahay, waliba waxaa dhici karta in dambigiisa dad kale dhibaato ka soo gaarto.
Sidoo kale qodobkan waxaa saamaynaya sida ganacsatadu uga jawaabaan baahiyada bulshada ay ka faa’iidaan sida kaalmada abaataha iyo Zakada.

Gabangabo
Waxaa cad in qofna uusan diyaar u ahayn maalkiisa oo gubanaya inuu iska fiirsado, balse dariiqa lagu raadinayo xalka waxaa qayb ka noqon kara xalinta qodobadaas aan kor ku xusay oo loogu dhaqaaqo sida ugu dhaw.

W/Q: Maxamuud Cabdi Diirshe
E-mail: diirshe10@gmail.com
facebook Diirshe Cadde