Nin Mindi wata oo weeraray Safaarada Israel ee Ankara oo la toogtay

Wararka Maanta

Ciidamada ammaanka ayaa toogtay nin Mindi watay oo soo weeraray Safaaradda Israel ay leedahay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Ninkan ayaa isku dayay inuu gudaha u galo dhismaha Safaaradda Israel ee magaalada Ankara, iyadoo ciidamada ammaanka ay rasaas ku rideen.

Shaqaalaha Safaaradda ayaa la geeyay meel ammaan ah, markii ninka hubeysan uu soo weeraray Safaaradda, lana maqlay rasaas.

Ninkan la dhaawacay ayaa la aqoonsan, hase ahaatee kooxaha ku xeel dheer baaritaanada walxaha qarxa ayaa ku howlan baaraya boorso laga shakiyay in waxlaha qarxa ay ku jiraan oo la dhigay agagaarka Safaaradda.

Todobaadkan ayaa waxaa la xiray dhowr safaaradood oo dowladaha reer galbeedka ku leeyihiin Turkiga, kadib markii la helay warar sheegaya in weerar lagu qaadi rabo.

Turkiga ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro is daba joog ahaa oo ay geysteen Kooxaha IS iyo Fallaagada Kurdiyiinta.

safaarad-israel safarad-israel1

1 thought on “Nin Mindi wata oo weeraray Safaarada Israel ee Ankara oo la toogtay

Comments are closed.