Faafaahin Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Qarax gaari ayaa caawa ka dhacay maqaaxi laga cunteeyo oo ku taalla wadada Maka Al-mukarama oo galabkii ay dad badan isugu yimaadaan, taasi oo lagu magacaabo Somali Coffee.

Qaraxan inay ku dhintay ilaa 4 qof, sidoo kale waxaa  ku dhaawacmay 7 qofood , gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa goobta ka qaaday dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Laamaha ammaanka weli faah faahin kama aanay bixin nuuca qaraxan uu ahaa, balse sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay muujinayaan burbur soo gaaray Maqaaxida la beegsaday.

Ciidanka ammaanka oo tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay bilaabeen baaritaanada la xiriira qaraxan, waxaana halkaasi soo buux dhaafiyay dadweyne fara badan.

Sidoo kale Qarax ismaadiimin ah ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye gobolka Shabeelaha Hoose, nin baabuur watay ayaa isku qarxiyey meel u dhow xero ciidan, waxaana ku dhinta 5 qof oo rayid, halka 7 kale ay ku dhinteen. gaariga qaraxan maanta loo adeegsaday ayaa la sheegay inuu ahaa Homey.