Hal qof oo ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba

Wararka Maanta

Hal ruux ayaa ku geeriyooday qarax duhurkii ka dhacay agagaarka Isgoyska Jubba oo ku dhow KM-0 ama baarkii la oran jiray Fiat, kadib qarax ka dhashay gaari yar.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga lagu soo xiray miinada leh Megnada, oo baabuurta looga dhejiyo qeybta hoose, waxaana uu qarxay xilli uu shidaal ka qaadanayay agagaarka Isgoyska Jubba.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in saddex qof oo saarnaa gaariga mid ka mid ah uu dhintay, halka labo kale ay dhaawacmeen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga ay saarnaayeen xubno ka tirsan Nabadsugida, inkastoo aanay jirin war xaqiijin kara arrintan.

Qaraxyada lagu dhejiyo baabuurta gaarka loo leeyahay ayaa muddooyinkan ku soo badanayay, waxaana ay sababaan khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana horay ugu geeriyooday dad kala duwan oo ay Wariyeyaal ku jireen.

Comments are closed.