Sawirro: Dibadbax looga soo horjeedo Damaca kenya ee Badda Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay

Wararka Maanta

Dibad bax looga soo horjeedo muranka badda Soomaaliya iyo kenya ,isla markaana lagu taageeraayey waxqabadka dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay gudaha magaalada muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dibad baxaani ayaa waxaa ka qeybgalay kumanaan ruux oo ka kala yimid qeybaha magaalada Muqdisho  iyagoo   watay boorar ay ku xardhan yihiin erayo ka turjumaayo sida ay uga xun yihiin damaca dowladda kenya ay ku dooneyso biyaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” oo la hadlay dibad baxayaasha ayaa sheegay in aysan jirin Cid iibsan karta Badda Soomaaliya islamarkaana aysan Shacabka Soomaaliyeed marna aqbali doonin Damaca Guracan ee Kenya ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Gudoomiye Madaale waxa uu  rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijo dhaxal gal ah ay ka soo baxdo dacwada la xiriirta badda ee iminka ka socota maxkamadda caddaalada adduunka ee Holand.

01-2 02-1 03-1 04-1 05 06 07

Xigasho: Sonna

Tagged

Comments are closed.