Jadwalka doorashada Galmudug oo la soo saaray

Wararka Maanta

Guddiga Farsamada ee Maamul Dhisida Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada maamulkaas, iyadoo wixii hada ka bilowda si toos ah loo guda galay hannaanka dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.

Jadwalka la soo saaray ayaa lagu sheegay in 29-ka bishan November uu bilaaban doono hannaanka soo xulista Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, isla markaana 10 bisha December uu si rasmi ah Baarlamaankaas u howl bilaabi doono.

Sidoo kale waxaa jadwalka doorashada lagu shaaciyay xilliga la qabanayo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa dhici doonta inta u dhaxeysa  13 illaa 16 December.

Sidoo kale waxaa Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ay dhici doontaa 17 illaa 23 December.

Halkan hoose ka akhriso jadwalka doorashada.