Golaha Ammaanka oo kordhiyey waqtiga UNSOM

Wararka Maanta

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay kordhinayaan howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, waxaana la gaarsiinayaa ilaa 31-ka bisha March 2018-ka.

Qaraaar tirsigiisu yahay 2,358 soona baxay 2017 ayey golaha waxa ay hoosta kaga xariiqeen muhiimada uu leeyahay taageerida hanaanka geedi socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, lana wanaajinayo xiriirka ka dhaxeeya howlgalka iyo bulshada rayidka ah ee maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe.

Golaha ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaan balan qaadkii dowladda ee ahaa hanaanka geedi socodka qaranka ee kala duwanaa oo ay ku jiraan hanaanka qoondeynta awoodaha iyadoo maamulka goboleedyada xubnaha ka ah ay wadaagayaan daqliyada iyo khayraadka, taasi oo loo marayo hanaan cadaalad ay ku dhisantay.

Xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay UNSOM ee Soomaaliya ayaa la aas aasay sanadkii 2007-dii.