Cabdi Faarax Juxa :” Safarkii Khayre ee (Qaaddo- Quuriwaa)”.

Wararka Maanta

Wasiirkii hore Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga ku sheegay in nasiib darro ay tahay in Ra’iisul Wasaare Kheyre u quuri waayay dadka reer Puntland inuu qaaddo shamiito ah uu dhagax dhigo Dhismaha Dekedda Garacad gobolka Mudug.

“Ra’iisul Wasaare Kheyre markii ugu horraysay 18 bilood ayuu booqasho rasmi ah ku yimid Puntland, Si weyn ayaa loo soo dhoweeyey. Waxay ballantu ahayd inuu dhagax-dhigo dhismaha Dekedda Garacad oo ah dadaal ay bulshada reer Puntland si iskutashi ah u wadday muddo dheer, Nasiib darro Ra’iisul Wasaare Kheyre wuxuu reer Puntland u quuri waayey qaaddo shamiito ah oo dhagax dhig ah. Waxaa la is-weydiinayaa maxaa hadaba safarkiisa Puntland ku saabsanaa, muxuuse Madaxweyne Gaas ka bedeshay”ayuu yiri Wasiir Juxa.

Mr Juxa ayaa ka mid ahaa Golihii Wasiirada uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre bishii March ee sanadkii hore, hase ahaatee horaantii sanadkan 2018 ayuu ka mid noqday saddex Wasiir oo uu xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shalay si lama filaan ah uga baaqsaday safarka Garacad oo qorshihiisa ahaa dhagax dhigga Deked halkaas laga hirgelinayo, waxaana mar dambe Ra’iisul Wasaaruhu go’aansaday in aanu tagin culeysyo siyaasadeed oo jira awgeed iyo arrimo laga yaabo inay ka dhalato safarka dhagax dhigga ahaa.