Maraykanka oo sheegay in ciidan Soomaali ah ka dagaalameen gobolka Tigray

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Mareykanka ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidanka Soomaaliya ay u dirtay Eritrea ay gudaha u galeen Itoobiya, taas oo ay horay u beenisay xukuumadda Federaalka.

Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa weydiisay Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka, waxa ka jira ku lug lahaanshaha la sheegay in ciidamo Soomaali ah ee dagaalka Tigray.

Godec oo su’aashaas ka jawaabayay ayaa yiri “Waxaan ka war qabnaa in ciidamo Soomaali ah ay joogeen Itoobiya, laakiin hadda ma xaqiijin karo inay dagaal ka qeyb qaateen iyo in kale, balse waan xaqiijineynaa arrintaas,” ayuu yiri.

Ilhaan ayaa mar kale weydiisay Godec sababta ay ciidamada Soomaaliya u joogeen Itoobiya, wuxuuna ku jawaabay, “Waxaan rumeys nahay inay ciidamadaas ay yihiin kuwo Soomaaliya ay tababar ugu dirtay Eritrea kadib heshiis dhexmaray labada dowladood.”

Warbixin dhowaan ka soo baxday Hay’adda Xuquuqda Addanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay saldhig militari oo ku yaalla Eritrea in ay suuragal tahay inay ka qeyb qaateen dagaalka ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay soo gareen warar sheegayo in ciidamada Soomaaliya lagu arkay magaalada Qaddiimiga ah ee Aksum ee Tigray iyaga oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Eritrea.

“Waxaan helnay macluumaad iyo warar ku saabsn in ciidamada Soomaaliya laga soo daabulay saldhig militari oo ay tababar ku qaateen oo ku yaalla Eritrea si ay ugu biiraan dagaalka Tigray, waxaana la socday ciidamo Eritrea ah.”

Dowladda fedaraalka ee Soomaliya ayaa bishii January beenisay in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Tigray.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo xilliggaas BBC la hadlay ayaa sheegay in aysan gabi ahaanba jirin ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ka dagaalamay gobolka Tigrey.

“Ma jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka dagaalamay waqooyiga Itoobiya iyo gobolka Togrey, sabab ay u dhacda-na ma jirto, cid naga codsatay na ma jirto,,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhawaan guddi u saaray arinta ciidanka tababarka loogu diray Eritrea, kadib markii ay badatay cabashada ay muujinayaan qaar kamid ah waalidiinta raggaas.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Miodobay ayaa gelinka dambe ee maanta kulan ka yeelanaya qalalaasaha Tigray, markii ugu horreysay intii uu dagaalku bilowday.

Dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqday ciidamada Tigray inay qaataan xabbad-joojinta, iyadoo hay’adaha gargaarka ay la daalaa dhacayaan inay gargaar gaarsiiyaan boqollaal kun oo qof oo ay macluul heysato.

Kooxda TPLF oo hore u xukumi jirtya gobolka Tigray ayaa Insiintii sheegtay inay la wareegtay gacan ku heynta Maqalle oo ah caasimadda gobolkaas kaddib ku dhowaan siddeed bilood oo uu dagaal ka socday.

Dowladda ayaa ku baaqday xabbad-joojin iskeed ah balse TPLF ayaa diiddday. Waxaa jira cadaadis caalami ah oo labada dhinac ugu baaqaya inay xabbad-joojin qaataan.

Dhanka kale buundada dul marta Webiga Tekeze oo u dhow magaalada Shire ayaa la burburiyay, taas oo saameyn ku yeelaneysay in gargaar la geeyo gobolka, sida uu sheegay Guddiga Laanqeyrta Cas.

Shire iyo dhowr magaalo oo ku yaalla Tigray ayaa waxaa haatan xukuma ciidamada Tigray. Ciidamada dowladda taabacsan ee ku sugan gobolka deriska la ah Tigray ee Amhara ayaa maamula dhanka kale ee Webiga Tekeze.

Ma cadda cidda mas’uulka ka ah arrintaas, dowladda iyo TPLF ayaa isku eedeynaya burburinta buundadaas, balse QM ayaa sheegtay in laga yaabo inay burburiyeen ciidamada Amxaarada.

Xigasho: BBC