Shaqaale ka tirsan Jaamacadda SIMAD oo la Qarxiyey

Wararka Maanta

Allaha u naxariisto Mohamed Jeylaani oo ka tirsanaa Shaqaalaha Jaamacadda SIMAD, ayaa ku geeriyooday qarax lagu xiray gaari ay laheyd Jaamacadda SIMAD oo ka dhacay Xaafadda NBC ee Degmada Hodan.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad kale oo gaariga saarnaa iyo qaar wadada marayey.

Gaariga qarxay ayaa ah nuuca Toyota Hilux, Qaraxyada Muqdisho ayaa kordhay maalimihii ugu dambeysay.

Kooxaha Alshabaab iyo Daacish ayaa adeegsada qaraxyada nuuca dhajiska, lamana oga sababta loo beegsaday shaqaalaha Jaamacadda SIMAD.