Ujeedada Safar MD Qoorqoor ee Gaalkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Galabta gaaray Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Maamulka Degmada iyo saraakiisha amniga ee Gobolka Mudug iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa si aan horey looga baran deg deg dib ugu soo laabtay deegaanada Galmudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo, waxaana safarkiisa ku wehliyey Senator Cabdiqeybdiid iyo masuuliyiin kale, Madaxweynaha ayaa Caawa ku hoyanaya Gaalkacyo, isaga oo kulamo la qaadan doono qeybaha Bulshada.

Safarka Madaxweynaha ee Gaalkacyo ayaa la xariira booqasho la filayo inuu ku tago deegaanka Wisil oo ay 27 June 2021 ay weerareen ururka Alshabaab, dagaalkii ka dhacay Wisil waxaa la dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada Galmudug iyo shacabka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Wisil kaga dhawaaqo howlgal saf balaaran ah oo ka dhan ah Shabaabka heysta deegaanada Galmudug, iyada qorshuhu yahay in Alshabaab dib looga riixo deegaanadii ay dhawaanahaan la wareegeen.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa la galiyey heeggaan iyada isku diyaarinaya guluf xooggan oo ay ku qaadaan Alshabaab khatarta galiyey magaalooyin waaweyn oo ay ka mid yihiin Dhuusamareeb iyo Hobyo.

Aragtidaada ka dhiibo