Xogta Dagaalkii Koofurta Gobolka Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidamada Xoogga Dalka, NISA, iyo Daraawiishta Galmudug ayaa saaka aroortii dagaal la’aan kula wareegay Magaalada Bacaadweyne iyo deegaanada Qaycad, Sabeeno gowrac, iyo cimaamado oo ay ka baxeen Alshabaab.

Alshabaab ayaa galinkii dambe ee maanta weerar ku qaaday fariisimihii ciidamada huwanta, waxaana dagaal culus ka dhacay labada deegaan Qaycad iyo Cimaamado.

Aagga Qaycad

Qaycad waa dhul howd ah oo bari kaga beegaan Bacaadweyne, Waxaa halkaas galabta dagaal culus ku dhexmaray ciidamada Gorgor, Danab, NISA iyo milatariga oo dhinac ah iyo ciidanka Alshabaab. Waxaana Alshabaab ku guuleysteen in ay dib usoo riixaan ciidamadii huwanta oo caawa ku hoyana duleedka Bacaadweyne.

Aagga Cimaamado

Dhanka Cimaamado oo dhul howd iyo boholo ah, waxaana dagaalku ka  bilowday bacdal duhur, waxaana halkaas ku dagaalamay ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Booliska oo dhinac ah iyo ciidanka Alshabaab, waxaana goobjoogayaal inoo xaqiijiyeen in la isku gabal dhacsaday, iyada oo labada dhinac ku sugan yihiin goobo isku dhow.

Khasaaraha dagaalka

Dagaalkii ka dhacay Cimaamado waxaa dhanka Dowladda uga geeriyooday 1 Askari, halka 3 kale ku dhaawacmeen, dhanka Qaycad waxaa ciidamada Dowladda uga geeriyooday 3 Askar iyo dhaawaca 8 kale.

Dhanka Alshabaab waxaa dad xog-ogaal ah xaqiijiyeen in dagaalka uga dhinteen 6 Askari, halka Dhaawacu ka badan yahay 10 kale.

Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey in Alshabaab dib u qabsadeen Magaalada Bacadweyne iyo deegaanka Qaycad.

Wixii kusoo kordha nagala Soco Facebook iyo Youtube Ceelhuur Online

Aragtidaada ka dhiibo