Saraakiil sare oo ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa u xaqiijiyey shabakadda ceelhuur.com in Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu shaqo-joojin ku sameeyey Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Marwo Hodan Cabdi Shire.
Madaxweyne Xaaf ayaa shaqojoojinta u cuskaday in wasiiradu ay iyadoo aan Madaxda sare la tashi la sameynin ay shaqo-joojin ku sameysay Hay’adda UNCHR. Wasiir Hodan ayaa ka mid aheyd wasiirada ay aad ugu dhawaa Madaxweyne Xaaf.
Galmudug ma lahan Wasiirka Madaxtooyada, waxaana jagadaas si dadban ugu shaqeeya Wiil uu abti u yahay Madaxweyne Xaaf oo lagu magacaabo Duuraan Faarax.
Madaxweyne Xaaf oo isku hareereeyey dad ay qaraabo yihiin ayaa aad ula socda dhaqdhaqaaqa wasiirada, waxaana muuqata in wasiiradu aysan u madax banaaneyn shaqadooda. Bishii April bilowgeedii ayey aheyd Markii Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ay xiriir la sameeyeen Shirkadda Divers Groups iyagoo adeegsanaya Magaca wasaaradda Kalluumeysiga iyo Qeyraadka Badda, taas oo keentay in ay isku dhacaan wasiirka wasaaradaas iyo Madaxweyne Xaaf kadib markii Wasiirku ka war helay arintaas.
Wixii kusoo kordha isha wararka xaqiiqda ceelhuur.com