Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta La Kulmaya Dhiggiisa Uganda

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda.

Maanta ayuu kulan la qaadanayaa Madaxweynaha Dalkaasi Yoweri Museveni oo ay kaga wada hadlayaan Xiriirka labada dal, Ciidamada AMISOM iyo Isbadalada Geeska Afrika ka socda.

Wafdiga Farmaajo ayaa kasoo amba baxay Magaalada Istanbuul oo ay ku tageen Safar hal maalin ah, kadib markii ay kasoo laabtan Talyaaniga oo ay kula soo kulmeen Madaxda Dalkaasi iyo kuwo ka socda Midowga Yurub.

Kahor inta aan kasoo socdaalin Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa Magaalada Istanbul waxa ay la kulmeen Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogaan.

Kulanka gaar ah ee ka dhacay Magaalad Istanbuul waxa ay ugu wada hadleen sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay Dowladda Turkigu ka qaadanayso Amniga, Dowlad dhisidda iyo Maalgashiga Soomaaliya.

Waxaana laga bilaabayaa fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri oo ay Hay’adda TIKA ee Turkigu dhismahooda ka hirgelin doonto Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo yoolka ay hiigsanayso, isagoona adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan is oggolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay walaalahooda Soomaaliya u muujiyeen wakhtiyadii adkaa.

Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in Dowladda iyo Shacabka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya.