Xaaf oo Shirkad cusub Heshiis kula galay Dhismaha Dekadda Hobyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dekedda Hobyo oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn Galmudug oo aan wali laga faa’iideysan ayaa waxaa tan iyo aasaaskii Galmudug jiray in hadba shirkad cusub lagula galo in ay horumariso dekadda. Waxaa la xasuustaa in dhammaadkii 2015 siyaasiyiin iyo ganacsato reer Galmudug ah ay keeneen shirkad Shiineys ah, taas sahan ku sameysay dekadda iyo wadooyinka badeecadu marayaan, waxaana Qorshahaas ka horyimid C/kariin Xuseen Guuleed. Sababta uu C/kariin u diiday ayaa aheyd inuu watay shirkad laga lahaa dalka Ciraaq, taas oo aan la ogeyn halkii ay ku dambeysay.

kadib doorashadii Axmed Ducaale Xaaf bartimihii 2017, waxaa markale bilowday rajo laga qabay in ladhiso dekadda Hobyo, Waxaana bishii Feberaayo  2018 Hobyo gaaray injineero shiineys ah oo ay howshooda garwadeen ka ahaayeen Senator Cabdi Qeybdiid , Wasiir Axmed Qoorqoor, iyo ganacsato ayaa qorshahaas ka horyimid Madaxweyne Xaaf.

Todobaadkii hore ayaa Mr. Xaaf u safray Jabuuti isagoo halkaan heshiis qarsoodi ah kula soo galay shirkad lagu Magacaabo DIVERS GROUP OF COMPANIES, Shirkadan ayaa waxaa iska leh nin falastiini ah, Ninka shirkadan iska leh ayaa horey Madax uga soo noqday Shirka DP World, inkastoo oo markii dambe sameystay shirkad u gaar ah. laba maalin ka hor ayaa magalaada Hobyo waxaa gaaray injineero ka socda shirkadan, iyagoo sahan ku sameeyey dekadda iyo gudaha badda. iyagoo dib u laabtay shalay. Ma jirin wax suxufiyiin ah oo loo ogolaaday in ay baahiyaan howsha injineeradan ka qabteen Hobyo. Waxaana muuqata in waxbadan la qarinayo.

Shirkadan cusub ee Madaxweyne Xaaf heshiiska lasoo galay ayaa dad badani shaki ka qabaan in ujeedada howsheedu tahay dhismaha dekada, lama oga in dowlada federaalku lug ku leedahay arintaan iyo inkale. Waxaana  Madaxda Galmudug lagu eedeyaa in ay lacag ka qaataan shirkadaha ay keenaan.