Al-Shabaab oo soo bandhigay Odayaashii ay cafiska u fidiyeen (Sawirro)

Wararka Maanta

Al-Shabaab ayaa soo bandhigey sawiradii ugu horeeyay oo muujinaya qaar kamid ah odayaashii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka federalka iyo ergadii oo iska diiwaangeliyay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan.

Odayaashan oo ka tagay degaanada ay ka arrimiyaan Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa waxaa halkaas towbada loogu qabtay illaa 86 oday sida ay sheegtay Al-shabaab.

Mas’uuliyiin ka mid ah ururka Al-shabaab ayaa ka qeyb galay kulanka odayaasha waxaana ka mid ahaa guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ee ururka Al-Shabaab Sheekh Yuusuf Kabo-kutukade iyo Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan oo ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Sheekh Abuu Cadnaan oo gobolka Mudug ugu magacaaban.

Dadkan tegey deegaanka Buq Aqable ayaa Al-Shabaab ay cafis u fidiyeen iyadoo ay sheegeen Al-Shabaab in wixii hadda ka dambeeyana ay degaanadooda ugu noolaan karaan si xor ah.

Odayaasha ka faa’ideystey fursadan ayaa waxaa ay dib ugu laabteen guryahooda kadib markii Al-Shabaab uu soo ambabaxiyay,waxaana haatan ku sii qulqulaya deegaanada Al-Shabaab dad kale oo doonaya inay ka faa’ideystaan cafiskaas.