WAA KUMA HOGAAMIYE?

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Hogaamintu waxay ka bilaabataa hogaanka naftaada & tan ehelkaaga aad ku hogaamiso waxii alle (SWT) ku faray, kolka aad taada & tan ehelkaaga daryeesho sida Soomaalidu horay ugu maahmaahday “tiisa daryeelaa tu kale ku dara” ayaad kadib u tafaxa-xadayn kartaa hogaamin ummaddeed.
Sidaa darteed hadii uu damac kaa galo hogaamin ummaddeed kolka hore iska hubi hogaaminta naftaada & tan ehelkaagu inay hagaagsanyihiin.

Hogaamin ummaddeed (mid dhaqan ama mid siyaasadeed) waxaa lagu hantaa laba asbaabood, mid ummaddu kuu dhiibatay raalina kaaga tahay & mid ku timaada xoog ama xeelad, sida cudud ciidan ama dhaxal boqortooyo.

Hogaaminta ku timaada rabitaan ummaddeed gaar ahaan Soomaalida waa labo, midda dhaqanka oo ah dhaxaltooyo soo jireen ah had & goorna lama taabtaan ah & mid siyaasadeed oo ummaddu ama tiro yar oo dad ah oo ummadda matala ay doortaan hogaamiye siyaasadeed.

Hogaaminta ku timaada xoog ama xeelada la yaab maleh in hogaamiyuhu uu u dhaqmo hadba sida uu isagu doono ee dantiisu ku jirto, dhaqanka & dhaxalkeeduna waa mid la wada ogyahay oo aan u baahnayn in faalo badan laga bixiyo, sida cabsi galin, cabudhin ummaddeed ama sida meelaha qaar ka dhacda ay ummaddaha qaar usii dheertahay qudh-gooyo lagula kaco qaar kamid dadka ka hor yimaada hogaamada xooga ama xeelada ku yimid si ay ugu quus qaataan dadka intiisa kale.
Balse waxaa badanaa dadku aad oola yaabaan kolka hogaamin aan ku imaanin xoog ama xeelad ay isku badasho ama u muqaal ekaato mid ku timid xoog ama xeelad, dhaxalkeedana waxaa qayb ka ah siyaasabahan soo socda.

*DAKANO SIYAASADEED
*DAYN MA HADHO AH
Dakanada siyaasadeed: Durba waxaa kala irdhooba hogaankaas & in badan oo kamid ah ummaddii dooratay ama kuwii ummadda matalayay ee isaga doortay, ee uu baal-maro balan-qaadyadii uu bulshada u sheegay, ama uu ka weecdo dariiqii ay ku balameen isaga & kuwii ummadda matalayay.

Daynta mahadhada ah: waa dayn uusan siyaasigu qof ahaantiisa u qaadanin oo hadana lagu leeyahay noloshiisa inta ka dhiman.
Maxay tahay dayntaas?
Marka siyaasigu uu la yimaado hanaan ka duwan kii lagu doortay, ee talada ummadda loogu dhiibay iskuna badalo qaabka sida mid ku yimid xoog ama xeelad had & goorna kaligii wax maqoorado ama talada marooqsado waxay is gafaan dad badan oo qayb ka ahaa qaabkii uu ku yimid ama wax kasoo agaasimay hanaankii doorashada ee uu hogaanka ku hantay. Taasi waxay siyaasigaas ku kaliftaa in been & propaganda badan uu ku buuxiyo booskii ay baneeyeen saaxiibadii kale ee ay siyaasada isku gafeen.
Wadada qudha ee u furana waa in magac & waxtar uusan lahayn sheegashadooda uu ku bixiyo magac & mansab badan, si uu usoo jiito quluubta bulshada inteeda kale.
Arintaa waxay reebtaa raad xun & dayn ma hadho ah, waayo hogaamiyahaas inta badan xayn-daabkiisa waxaa ku xaraysan dad gaar ah, oo oday dhaqameed, siyaasi & saxaafadba leh, kuwaas oo uu ku qanciyo magac ama mansab ummaddu u sinaan lahayd si had & goor uu hiilo ooga helo.

Kolka sidaasi dhacdana waxaa hubaal ah in hogaamiyahaas laga helayo siro badan oo maqal, muuqaal ama markhaati leh, taas ayaana badanaa sabab u noqota in mudada uu xilka hayo uu isku furto hantida qaranka, kolka uu xilka ka dagana waa dayn uusan qaadan oo abidkii daba socota si loo asturo sirta & ceebihii soo wajahay mudadii uu hogaanka hayay, si ay taasi u dhicina waa in xilka dabadii uu jeebkiisa isku furto, “waa dayn ma hadho ah oo abidkii daba taagan”

Hadaba waxaa lama huraan ah siyaasaga ama hogaamiyaha Soomaaliyeed si uu ooga badbaado dakano siyaasadeed & dayn ma hadho ah oo diiwaanka u gasha, in kolka uu ku guul daraysto hogaanka ama hanaanka siyaasada uu inta goori goor tahay talada kusoo celiyo ummadii hogaanka u dhiibatay. Hadii ay taasi dhici waydo in-dheer garadka & inta ummadda u arimisa ayaa laga rabaa in hogaankaas ay tusaan dariiqa saxda ah, iyaga oo mar walba is barbar dhigaya qiimayn dhab ahna ku samaynaya aafada ka dhalan karta hadii hogaamiyahaas xilka ka tago ama kusii nagaado midba, dabadeebna la qaato labada dhibaato mida sahlan.

Waa sida wanaagsan walloow aan ogahay in aysan ahayn dhaqan Soomaali.

W/Qorey: Axmed Maxamed Xasan