Faa Faahin: Qaraxyo xoogan oo ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Wali waxaa soo baxaya wararka ku saabsan qaraxyo is xigxigay oo lagu weeraray dhismayaasha wasaaradaha Howlaha guud, iyo Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha Dawladda oo ku yaalay Isgoyska Jubba ee Magaalada muqdisho.

Qaraxa kowaad ayaa ka dhacay irridda hore ee wasarada shaqada iyo shaqalaha, kadibna rag hubeysan oo ka tirsan Alshabab ayaa gudaha ugalay wasaradda waxaana ay bilaaben rasaas iyo tuurista banbo Gacmeedyo ay wateen.

Shaqalaha wasarada aya la sheegay inay dhamaan iskugu tageen Dabqa sare ee wasarada shaqa iyo shaqalaha, qaarkood waxaa ay ka baxeen daaqadaha dhismayaasha, halka qaar kalana ay Ciidamada Booliska Gobalka Banaadir halkaasi ka soo badbaadiyeen.

Qarax labaad ayaa daqiiqado yar ka dib asna ka dhacay isla irida wasarada agteeda, waxaa jirtay foojignaan ah in qarax kale dhaco oo ay dadka kawar hayeen waxaana ka dhashay qasaara kooban sida ay noo xaqiijiyeen goobjogaal.

Qasaaro Dhimasha iyo dhaawac ayaaka dhshay labada qarax, injkastoo aan wali la xaqiijin karin tirada khasaaraha rasmiga ah ee qaraxyadaasi ka dhashay.

Wili waxaa kujira dhismaha wasaradda oo ka dhex dagaalamaya rag katirsan Alshabaab oon wali tiradooda la gareyn Ciidamda Dowladda ayaa wada dadaal ay ku doonayo in ay ku soo afjaro weerarka Alshabaab.

Wixii ku soo kordha  kala Soco Ceelhuur.com