Koox Dabley ah oo xalay dil ka gaysatay muqdisho

Wararka Maanta

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay Suuqa Xaafada Arjantiin ee degmada Kaaraan nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku nool xaafadaas, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Wararka ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida, waxaana lagu magacaabi jiray Caddaawe Cabdulle Fareey, waxaana la sheegay in rag ku hubeysan bastoolado ay dileen, kadibna goobta ka baxsadeen.

Dilka kaddib ayaa waxaa la sheegay inay goobta gaareen Ciidamada Booliska oo howlgalo ka sameeyay xaafada dilka ka dhacay.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa hoos u dhac u yimid dilalka ay geystaan kooxaha bastooladaha wax ku ugaarsada, waxaana ciidamada amniga xaafadaha Muqdisho ka wadeen howlgallo amniga lagu sugayay.