Dowladda oo Xamar ka qaaday Ergadii beesha Saleebaan

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya diyaarad ku geysay ergo ka socota beesha Saleebaan.

Ergadan ayaa waxa ay ka qaybgalayaan shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug ee dhawaan ka furmaya magaalada dhuusamareb.

wararka ay ceelhuur online ka helayso dhuusamareeb ayaa sheegaya in ergadaan diyaarado looga soo daabulay magaalada muqdisho balse aysan ahayn ergadii saxda ahayd ee reer cadaado matalay.

Odoyaasha dhaqanka cadaado ayaa horay usheegay in aysan marnaba ka qayb gali doonin shirka dhuusamareeb hadii aan laxalin tabashadooda ah in ay helaan maqaamka cadaado kuleedahay galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemayaa qabanqaabadii u dambeysay ee shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyadoo ay hore u gaareen ergooyin ka kala socday beelaha dega Galmudug.

Hase yeeshee illaa hadda lama oga waqtiga rasmiga ah ee uu furmi doona shirka dib u heshiisinta Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa shalay tagay ciidamo ka socda AMISOM kuwaasoo la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan sugida ammaanka magaalada Dhuusamareeb.