Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fannaanadda Soomaaliyeed Shamsa Xuseen Shumey , Shamso ayaa ka tirsaneyd Hoboladda Qaranka ee Waabari.
Qaar ka mid ah Fannaaniinta Hoboladda Waabari ayaa sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay heysatay Fannaanada Xaalad Caafimad daro oo ugu dambeyntii sababtay geerida.
Maanta ayaa lagu waddaa in lagu Aaso Fannaanada Magaalada Muqdisho. Shamso ayaa caan ku aheyd heesaha wadaniga ah. sidoo kale Waxa ay inta badan kasoo muuqan jirtay munaasabadaha Qaranka.